GLOBAL NEWS

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kula kulmay Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya


Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan kula yeeshay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo uu safar ku joogo.

Kulankan ayaa looga hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka qayb-galeen wasiirrada arrimaha gudaha Somaia, qorsheynta, difaaca iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya. iyadoo Kenyatta ay isna ku wehliyay kulanka wasiirkiisa arrimaha dibadda, gudaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay RW Soomaaliya iyo wafdigiisa ay uga hadleen arrimo khuseeya labada dal. “Waxaan la kulmay RW Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, annigoo kula kulmay aqalka madaxtooyada ee Nairobi.”

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu ra’iisal wasaaraha Somalia kala hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal, isagoo xusay inay isku raaceen in la dhiso guddi si mideysan uga shaqeeya arrimaha u dhexeeya labada dal.

Uhuru Kenya iyo RW Somalia ayaa ka hadlay xaalaldda ammaanka Soomaaliya iyo tan gobalka, iyagoo isla gartay in labadan dal ay meel uga soo wada-jeestaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa amni-darrada wada.

Dhanka kale, kulanka ayaa imaanaya kadib markii RW Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqdeen xerada qoxootiga Dhadhaab Jimcihii lasoo dhaafay, taasoo ay ugu kuur-galayeen xaaladda nololeed ee qoxootiga.

Ugu dambeyn, Kenya, Somalia iyo UNHCR ayaa heshiis saddex-geesood ah ku gaaray Nairobi, iyagoo isla gartay in si iskood ah ay qaxootiga Soomaalida loogu celiyo dalkooda Somalia.