GLOBAL NEWS

Qoxootiga Dhadhaab oo beeniyay in weerarada ka dhaca Kenya laga soo Abaabulo Xeryahooda


Sabti, Abriil 25, 2015 — Iyadoo Xukuumadda Kenya ay shaacisay dhawaan in laga soo abaabulo weerarrada ka dhaca gudaha dalka Kenya Xeryaha Qoxootiga Soomaaliyeed ay ku yaalla ee Dhadhaab, ayaa waxaa eedeyntaas iska fogeeyay qoxootiga xeryahaas ku nool.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa amar ku bixiyay toddobaadyo ka hor in xeryahaas la xiro, dadka ku jirana dib loogu celiyo goobaha ay ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ay ka saareen Al-shabaab.

Balse, guddoomiyaha amniga Xerada IFO oo ka mid ah shanta xero ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab, Maxamed Colow Odawaa ayaa eedeynta kasoo yeertay madaxda dalka Kenya ku tilmaamay mid aan jirin; isagoo ku tilmaamay eedeyntan inay tahay mid loogu gafay qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Odawaa oo sidoo kale afhayeen u ah guddiga ammaanka ee xeryaha Dhadhaab ayaa hoosta ka xariiqay in sida magaalooyinka kale ee ay Kenya ka kooban tahay ay tagaan dad xun iyo dad wenaagsan intaba, isla markaana looga baahan yahay dowladda Kenya inay iska qabato dadka xun-xun ee dhibaatooyinka ku haya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan shaaciyay in ay adkeyn doonaan ammaanka sii xumaanaya ee dalkiisa, halkaasoo ay weerarro ka geysato Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa horraantii bishan Abriil weerartay Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku dileen 148-qof oo u badan ardaydii wax ka baran jiray jaamacaddaas, taasoo sababtay in madaxda Kenya ay ku dhawaaqaan in la xiro xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

Xasan Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool Xeryaha Dhadhaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya intii ay eedeyn lahaayeen qoxootiga ay ahayd inay difaacaan.

“Haddii aad tahay siyaasi, dadka ku weeraraa ma qoxootiga oo keliyaa, mise kuwa kale ee kusoo weerara ayaadan iska difaaci karin. Qoxootigu waa dad aan awood lahayn oo ku nool meelo dhooqo iyo wasaq badan. Balse waa in aad si toos ah u tilmaantaan kuwa dhibaatada ka geysanaya Kenya,” ayuu yiri Xasan Maxamed.

Baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kooxihii Jaamacadda Gaarisa weeraray ay ahaayeen dad ka kala yimid deegaanno ka tirsan, uuna ku jiray wiil uu dhalay mas’uul horay xilal uga soo qabtay gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Dhanka kale, Kaamil Aadan oo 20-jir ah – macallinna ka ah Malcaamad ku taalla Xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in carruurtii uu wax barayay ay qaarkood dib ugu laabteen Kenya.

“Qoxootiga ku jira Dhadhaab qaarkood si iskood ah ayay dib ugu laabteen dalka Somalia, waxaana qabaa in qoxootiga loo madax-banneeyo inay si iskood ah ugu labataan dalkooda, waayo Dhadhaab dhibaatooyin fara badan ayaa ku haysta,” ayuu yiri Kaamil Aadan.

Ugu dambeyn, tan iyo bishii December ee sannadkii hore waxaa Somalia dib ugu laabtay si iskood ah 2,000 oo qof oo ka mid ahaa Qoxootiga Dhadhaab ku nool. Waxaase qoxootiga soo food-saaray xilligan cadaadisyo badan oo ay xukuumadda Kenya ku doonayso in dib loogu celiyo waddankooda Somalia.