GLOBAL NEWS

Qof ka mid ah Rakaabkii Diyaaradii uu Qaraxu ka dhacay oo ka Hadlay Wuxuu Arkay


Mid ka mid ahaa Rakaabkii la socday diyaaraddii u Kireysnayd Shirkadda Daallo Airlines ee Maanta uu Qaraxa ka Dhacay Gudaheeda ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen, isagoo sheegaey inay kusii socdeen dalka Jabuuti.

Qofkan oo u Warramayay BBC-da oo lagu magacaabo; Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in markii Diyaaraddu ay qaddar Daqiiqado ah Hawada ku jirtay ay maqleen qarax aad u weyn oo gudaha diyaaradda ka dhacay, ayna shacabkii la socday diyaaradda ay mar qura carareen.

“Diyaaraddu markii ay hawada ku jirtay muddo 30-daqiiqo ah, ayaa waxaa ka yeeray kursi ku dhaganaa kii aan fadhiyay Qarax xoog leh, Dadkii Diyaaradda Sarnaana way isku dhex-yaaceen, waxayna arrintu ahayd mid fool xun,” ayuu yiri Wardheere oo intaas ku daray in kursigii ku xiray uu qaraxu duleeliyay.

Sidoo kale, ruuxan rakaabka diyaaradda ka mid ahaa ayaa hadalkiisa ku daray in markii uu Qaraxu dhacay uu duuliyihii diyaaradda si mas’uuliyaddu ku dheehnayd uu Diyaaradda dib ugu soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mar la weydiiyay Wardheere inuu Arkay Dad ku dhaawacmay Shilkan; ayaa ku jawaabay: “Laba qof ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo kala ahaa Nin oday ah oo la yiraahdo C/rashiid oo ila fadhiyay oo Finland ka yimid wuu gubtay, lana dhigay isbitaalka AMISOM oo lagu daweynayo iyo wiil dhallinyaro ah oo dalka Talyaaniga u socday.”

Wardheere ayaa xusay inuu maqlay in mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda ka mid ahaa uu ka dhacay meeshii uu Qaraxu duleeliyay, Isagoo ku dhacay Aga-gaarka Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Xamar ay sheegeen in Maydka qofka ka dhacay diyaaradda la helay.

Waxaa kaloo la weydiiyay Wardheere siduu ahaa dareenka Rakaabkii markii uu ka dhacay qaraxa gudaha diyaaradda, wuxuuna sheegay in rakaabkii uu argagax weyn ku dhacay, isla markaana la xukumi waayay oo laga waayay fariista kuraastiinna oo suumanka xirta.

Ugu dambeyn, Waxaa Cali Wardheere la Weydiiyay markii Garoonku ay dib ugu laabatay diyaaradda sidii loola tacaalay iyo sida dareen ahaan ay ahaayeen, wuxuuna ku jawaabay.

“Arrintaas in laga mahad-celiyo ma ahane wax kaloo laga yiraahdo ma jirto, si Wanaagsan oo sharaf leh ayay dowladdu u soo gurmatay, Rakaabkii dhaawacyada qabayna ambalaasyo ayaa loo keenay, dadka intiisa kalena waa la soo dajiyay; ciidamada Dowladda ayaa goobta yimid, Su’aalo Rakaabka Weydiiyeen, intii ay su’aalo dheeri ah ka doonayaan mooyee intii kale rakaabka waa la fasaxay.”

Ugu dambeyn, illaa hadda lama oga Sababta keentay qaraxaan inuu ahaa cillad Diyaaradda lasoo daristay iyo inuu ahaa Qarax, Waxayna tani noqonaysaa shilkii ugu dambeeyay ee ay la kulanto diyaarad ka duushay garoonka Muqdisho.