GLOBAL NEWS

QM: Caruur Soomaaliyeed oo tiradoodu ay kor u dhaafayso 58,000 ayaa qarka u saaran dhimasho


Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in caruur Soomaaliyeed oo tiradoodu ay ka badan tahay 58,000 ay qarka u saaran yihiin geeri, haddii aan lala soo gaarin gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo QM ay sheegtay inay ka dhalatay xalaadan abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya.

Hay’adda UNOCHA ayaa arrintan kaga dhawaaqday Muqdisho, iyagoo xusay inay sii kor-dhayaan carruurta ay nafaqo-darridu hayso, Waxaana Hay’addu ay intaas ku dartay in Hal Milyan oo Soomaali ah ay haysato xaalad cunno la’aan ah.

“Xaaladda ka taagan Somalia haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban xalaaddu way kasii dari kartaa,” ayuu yiri xiriiriyaha QM u qaabilsan gargaarka Soomaaliya Peter de Clercq oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale Peter de Clercq ayaa xusay inay xaaladaha ugu daran haystaan caruur tiradoodu ka badan tahay 58,300, kuwaasoo Qarka u saaran dhimasho, Haddii aan Xaaladdooda Wax looga qaban sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mr. de Clercq ayaa Hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay in Calaamku uu ku Deeqo Dhaqaale wax looga qabto Xaaladaha Nololeed ee Soomaaliya ka jira, isagoo ka digay in xaaladda jirta indhaha laga qarsado.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ayaa Waxaa sabab u ahayd El Nino oo gobolka Bariga Afrika oo dhan saameyn ku yeelatay, Waxaana Dalalka ay dhibaatadu ka jirto ka mid ah dalka Itoobiya.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa xustay meelaha ay sida ba’an abaaruhu saameynta ugu yeesheen ay ka mid yihiin; deegaano ka mid ah Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, Xiriiriyaha QM ee gargaarka bani’aadamnimo ee Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in 4.7 milyan qof oo Soomaali ah oo Qiyaastii ah 40% tirada guud ee Dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gargaar Aadamnimo.