GLOBAL NEWS

Qaxootigii ugu badnaa oo maanta xerada Dhadhaab ka dhoofay


Waxaa maanta xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ka laabtay tirada ugu badnayd ee qaxooti Soomaaliyeed. Qaxootigaas oo gaaraya ilaa 542 qofood ayaa waxay ku kala laabandoonaan degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Qaar ka mid ah qaxootigaas ayaa markay gaaran degmooyinkaas waxay uga see gudbayaan tulooyin hoos tago degmooyinkaas oo ay horan ku noolayeen intii aysan ka soo barakicin abaariha sanadii 2011-kii ku dhooftay bartamaha iyo koonfurta soomaaliya

Dadkaan ayaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxaa looga qaday sagal bus oo gaarsiindoona degmada Dhoobley. Hay’adda qaxootiga ee dalkan Kenya ((DEPARTMENT OF REFUGEE AFFAIRS) ayaa hawlgakaan fuliyey, ayada oo booliska dalka Kenyana ay amaanka sugayeen. Ha’yadda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa ka dib la wareegidoonto qaxootigaan marka ay gaaraan degmada Dhoobleey.

Qaxootigaan ayaa waxaa loo qoondeeyey in qofkiiba la siiyo $150, ayada dadk liitana la siindoono $180. Waxaa sidoo kale qaxootigaan Soomaaliya ku laabandoona la siindoonaa bustayaal, sijaayado, buskudka nafaqeysan, feynuusyo iyo qalab kale.

Dowladda Kenya ayaa go’aan ku gaartay in xirto xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay ku nool yihiin dad ka badan 450,000 ayada oo sabab uga dhigtay nabad-galyo xumo, inkasta arrintaas aanan wax xaqiiq ah loo helin.

Madaxwenaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagay xeryahaas isaga xal u goobayey sidii loo maareyn lahaa qaxootigan mudada 25ka sanno ah ku noolaa qaxooti ku ahaa dalka Kenya