GLOBAL NEWS

Qarax Miino oo Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Maanta ka Dhacay KISMAAYO


Ugu yaraan Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku Geeriyooday Qarax miino oo lagu Aasay Saldhig ay Ciidammo Mushaaraad loogu Qaybinayay oo ku Taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland. Waxaana Mas’uuliyadda Qaraxaan Sheegatay Al-shabaab oo Dagaal kula Jirta Dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Qaraxan uu ahaa mid lagu sii aasay Xerada ay Ciidamadu ku Qaadanayeen, isagoo sheegay in Xerada uu Qaraxa ka dhacay ay tahay Shiikolaha Kismaayo oo ku dhow madaxtooyada Jubbaland.

“Wuxuu ahaa Qaraxu mid horay loo aasay, waxaana ku dhintay Saddex Sarkaal oo tisanaa ciidamada Maamulka Jubbaland, Sidoo kalena sagaal kale ayay kasoo gaareen dhaawacyo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culus,” ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay Warbaahinta.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in Xerada uu Qaraxan khasaaraha geystay ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidammo badan oo mushaaraad la siinayay, balse Qaraxa uu ahaa mid horay loogu sii aasay.

Isagoo sii hadlayay, ayuu Sarkaalku intaas ku daray inaysan jirin cid Weerarkan Qaraxa ah loo Qabtay, laakiin ay socdaan baaritaanno lagu baadi-goobayo cidii qaybta ka Qaadatay in Miinadaas xerada lagu Aaso.

Dhanka kale, Sarkaalkan ayaa ka hadlay bam xalay lagu tuuray gaari ay wateen Ciidammo ka Tirsan kuwa Maammulka Jubbaland oo Marayay Agagaarka Madaxtooyada Jubbaland, ayaa sheegay inaysan jirin cid ay wax kasoo gaartay, isagoo intaas ku daray in Ciidamadii gaariga watay ay fureen rasaas ay ku eryanayeen kooxihii weerarka geystay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Sheegtay inay Weerarkaas ku Dileen Saddex ka mid ah Saraakiisha Jubbaland ayna ku Dhaawaceen 15 Askari oo kale oo ku Sugnaa Xerada uu Qaraxu ka dhacay.