GLOBAL NEWS

Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka


Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan madasha uu ka socdo shirweynaha dib-u-hishiisiinta magaalada Beledweyne waxaa ay ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya in ay waqtigan ka shaaqeyneyso sidda ay hadalka u dhigeen colaad lagu dhax abuurayo bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan & Sh/dhexe.

Odayaasha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo unkay dib-u-hishiisiin, taa badalkeeda mas’uuliyiinteeda ka shaqeynayaan qorshayaal laga yaabo in ay sababaan dagaalo mar kale ka dhaca qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, waa sidda ay hadalka u dhigeen odayaasha.

Wax-garadka shirka jaraa’id qabtay, ayaa ugu baaqay Dowladaha, Ururada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya in ay soo fara-galiyaan dhaq-dhaqaaqyada mas’uuliyiinta dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo keeni kara marka danbe colaad iyo isku dhaca bulsho muddo dheer ku soo nooleyd nabad-galyo iyo daris wanaag.

Shirkan jaraa’id ayaa imanaya kaddib markii wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ka daah-furay magaalada Jowhar wajigii labaad shirka maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ugu danbeyntii, waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya shirweyne dib-u-hishiishiin ah oo ay ka qeyb-qaanayaan ergo ka kala tirsan guud ahaanba beellaha dega gobolka Hiiraan, kaddib markii mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka isku fahmi waayeen hab raaca dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.