GLOBAL NEWS

ODAWAA: Qabsashadii Dhuuso-mareeb waa mid lagu carqaleynayo dhismaha Maamulka G/Dhexe


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka hadlay Qabsashadii Ahlusunna ay Maanta Qabsatay Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa ku Tilmaamay mid lagu Hagar-daameynayo Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia.

Odawaa ayaa sheegay inay weerarkan uu yahay wax laga xumaado, isagoo Ahlusunna ku Tilmaamay kooxo Nabad-diid ah, Wuxuuna xusay in tallaabadan ay si cad u muujinayso in Kooxda Ahlusunna ay ka baxday Heshiiskii Xabad-joojinta ahaa ee ay Dowladda Somalia kula galeen Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku tilmaamay Qabsashada degmada Dhuuso-marreeb in looga gol-leeyahay horjoogsiga geeddi-socodka lagu dhisayo Maamulka Gobollada Mudug iyo Galguduud, isla markaana lagu Qalqal-gelinayo Nabadda iyo Xasilloonida ay haystaan shacabka Gobollada Dhexe.

“Dowladda Somalia Tallaabo Deg-deg ah ay u qaadi doontaa Taallabada ay kooxda nabad-diidka ah ku weerareen magaalo ay Xasillooni ka jirto oo ay dowladda Somalia gacanta ku hayso,” ayuu yiri Odowaa.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u diray ehelladda dadkii Waxyeelladu kasoo Gaartay weerarkii ay maanta Ahlusunna ku Qaadday Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud, inkastoo uusan xusin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas ka dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Dhuuso-mareeb ayaa ahayd Halkii loo Qorsheeyay in ay xarun u noqoto Maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud, iyadoo Wasiirku uu noqnoayo Mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ka Hadlay la Wareegistii degmada Dhuuso-mareeb.