GLOBAL NEWS

Maxamed Cali Clay oo Meydkiisa Maanta Lagu Aasayo Kentucky, Maraykanka


-Meydkii feeryahankii caanka ahaa ee Maraykanka Maxamed Cali Clay ayaa maanta oo Jimce ah waxaa lagu aasayaa Kentucky Maraykanka.

Waxaa kasoo qeyb galaaya dad badan oo caan ah sida madaxweynaha Turkiga ee Raccep Tayip Ordagon.

Allaha u naxariistee Maxamed Cali Clay wuxuu ahaa feeryahan in kabadan kontan jeer feerka culus ku guuleystay, nin Islaam ah oo diinta Islaamku ku dheertahay, nin u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka gaar ahaan Muslimiinta iyo dadka madow iyo gabyaa gabaygiisa murti iyo xaq ku cabbiri jiray.