GLOBAL NEWS

Madiina Munawarah oo Qarax uu ka Dhacay


Meel ammaan ah waa yar tahay qarnigaan. Xataa Madiina Munawarah oo uu kuyaalo masaajidka barakaysan ee rasuulkeena (scw) qarax ayaa lala eeganayaa!

Dhowr askari ayaa ku dhintay xalay mar meel u dhow masaajidka rasuulka (scw) la qarxiyay. Askartaa ayaa ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudiga.

Dhowr qof oo naftooda haligeyaal ahaa ayaa isku qarxiyay halkaa. Madiina ayaa ah meel ka mid ah meelaha ugu barakaysan oo ugu sharaf badan dhulka dadka Muslimiinta ah caalamka oo idil.

Qarax kale ayaa ka dhacay magaalo kale oo isla Sacuudiga gudihiisa ah oo lagu magacaabo Qadiif kadib markii qof naftii halig ahaa uu halkaa isku qarxiyay.

Maalin ka hor qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Jeddah meel u dhow qunsuliyada Mareykanka asagiina waa uu dhintay labo askarina waa ku dhaawacmeen ugu yaraan.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxii xalay ee Madiina ayaa yimid ayadoo Axadii aanu soo dhaafnay qaraxyo ka dhacay Ciraaq dadkii ku dhintay haatan lagu soo waramaayo in tiradoodu ay gaadhay 200 qof.