GLOBAL NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Khudbad Dhinacyo badan ka Jeediyay Baarlamaanka FS


Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo Baarlamanka FS ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo ka hadlay Siyaasadda, Shirkii lagu go’aamiyay doorashada dalka, dhallinyarada iyo qodobbo kale.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ka warbixiyay howlihii uu baarlamaanku qabtay kalf-dhigan socda markii uu furmay, wuxuuna sheegay inay Ansixiyeen Sharicyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, ayna kuwo kale oo badan horyaallaan.

Intaas kaddib, Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku billaabay codsi gaar ahaan oo uu u jeedinayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa inay kalsooni buuxda ku qabaan madaxdooda, wuxuuna ka dalbaday inay meesha ka saaraan in laga maarmay.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad meesha ka saartaan in baarlamaankeenna laga maarmay, waxaana maanta idiin caddeynayaa inaan la idinka maarmin, kalsoonida aad ku joogtaanna waa mid muhiim ah,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri khudbaddiisa, isagoo sheegay inuu dadaal badan u galay in Talada waddanka loo daayo Soomaalida.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray. “Siyaasada nalooma sameyn karo, balse waxa kale waa naloo qaban karaa sida dhanka amniga iyo dhismaha xarumo muhiim ah. Siyaasadda kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dan-gaar ah ka leh ma sameyn karno, Laakiinse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa waddadeeda.”

AMNIGA: Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayay arrimaha Amniga Dalka ayaa wuxuu ku yiri khudbaddiisa: “Shilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xeebta LIIDO ee Shacab lagu laayay, kuwii ka dambeeyay waa argagixiso, waa burcad u bareeray inay maatada laayaan, kuwaas waxay u baahan yihiin in ummadda laga dhexqabto.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inay Al-shabaab dadka ku dhex-jiraan, loona baahan yahay in Wacyi-gelin guud la siiyo Bulshada Soomaaliyeed si Gacanta loogu dhigo kooxaha dadka dhibaateynaya.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in hay’adaha Amaanka ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto hawl-gallada aan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo Baaritaanno lagu ogaanayo dambiyada looga Shakiyay ama loo haysto, isagoo xusay in Hay’addii lagu arko, iyadoo jir-dil u geysanayso Shacabka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Badbaadada ummadda iyo Jiritaanka Qarannimada inaan u is-taagno waa waajib na looga baahan yahay, mas’uuliyada Amniga annaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan lagu siiyo hay’adaha amniga howlaha loo idmaday, sax ma ahan in dad u taagan xaqiijinta amniga aan idaacadaha laga dacayadeeyo, wixii jira ee khalad ah waxay leedahay hab lagu ogeysiiyo mas’uuliyiintooda,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisa, isagoo codsaday in la dhiirri-geliyo hay’adaha Amniga Qaabilsan.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xusay in qof kasta oo ka tirsan hay’adaha dowladda Somalia looga baahan yahay inuu u hogaansamo ciidanka amniga, isla markaana goobaha ay baaritaannada ciidamadu ka wadaan marka ay tagaan ay aqbalaan in baaristaan lagu sameeyo, taasoo uu sheegay inay dhiirri-gelin doonto ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku xuray in shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho loo hayo Shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku lug lahayeen shilkaas, ayna ku socdaan hawlo baaritaanno ah, cadaaladdana la hor-geyn doono marka uu baaritaankoodu soo dhammaato.

SHIRKII WADA-TASHIGA: Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa Khudbaddiisa kusoo qaaday shirkii Wada-tashiga ahaa ee Muqdisho lagu qabtay, kaasoo lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

“Madashii Wada-tashiga Doorashooyinka ee Muqdisho lagu qabtay Go’aan lagu mideysnaa ayaa kazoo baxay, waxaana markhaati ka ah go’aannada kasoo baxay iyo doodihii shirka la isku dhaafsaday, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.

DHAQAALAHA: Madaxweynaha Somalia oo Arrimaha dhaqaalaha ka hadlay ayaa xusay in Horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo xusay inay Al-shabaab Dhallinyarada ku qaldeen lacag, loona baahan yahay in arrintaas wax laga qabto oo loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan.

“Arrinta kale ee aan hadalkeyga kusoo gunaanado waa dhallinyarada kooxda Al-shabaab u dagaalama – Waxay u badan yihiin kuwa aan fikirka Al-shabaab ku qanacsanayn, laakiinse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahan yahay inaan dhamaanteen u wada-istaagno sidii dhalinyaradaa ay marin habaabiyeen Al-shabaab loogu sameyn lahaa wacyi-gelin guud iyo shaqo abuur,” ayuu Xasan Sheekh yiri mar kale.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka uga Mahad-celiyay Sharciyada Muhiimka ah ee ay Meel-mariyeen Tan iyo markii ay Kulammadoodu billowdeen, Wuxuuna ku boorriyay inay howlaha ay u hayaan Dadkooda iyo Dalkooda ay halkaas kasii wadaan.