GLOBAL NEWS

MADAXWEYNE GAAS: Dadka Puntland waa inay la socdaan Is-beddelada uu Waddanku Galayo


Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay Puntland kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dadka Puntland ugu baaqay inay isbedelka uu dalku galayo.

C/weli Gaas ayaa hadal uu ka jeediyay Boosaaso wuxuu kaga hadlay is-beddelka xilligan uu dalka galayo iyo waxa la gudboon dadka ku dhaqan deegaannadiiisa ee uu hogaaminayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntlandk ayaa kula dardaaarmay shacabka Puntland inay markan usoo jeestaan la socoshada halka ay mareyso marxaladda siyaasadda ee dalka iyo is-badalka dalka uu galayo maadaama ay qeyb ku yeelan doonto Puntland isbadalka uu dalka gali doono dhamaadka sanadkan.

Wuxuu tilmamay in muhiim ay tahay in si dhaw loola socda xilligan uu ku sheegay waqti kala-guur ah loona baahan yahay kor kala socoshada waxa dhacaya ee dhinacyada doorashada iyo dastuurka dalka.

Puntland ayaa horay u qaadacday natiijada Madashii Wada-tashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho, Inkastoo dadaal uu bixiyay RW Somalia Somalia, Cumar C/rashiid lagu qanciyay Gaas inay qaataan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan.

Ugu dambeyn, Bishan May dhexdeeda ayaa waxaa qorshuhu yahay in magaalada Garoowe ee xarunta Puntland lagu qabto shir looga hadlayo dastuurka Soomaaliya. Shirkaas waxaa ka qeybgalay madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha qeybta ka ah.