GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Suuriya oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Magaalada Moscow


Madaxweynaha waddanka Suuriya Bashar Al-Assad ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka, isagoo kala hadlaya madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin hawl-gallada millateri ee ka dhanka ah mucaaradka Suuriya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalkiisa.

Warbixi lagu daabacay shabakadda wararka ee madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in Bashar Al-Assad iyo Vladimir Putin ay kulmeen shalay, iyadoo Putin uu u ballan-qaaday dhiggiisa Suuriya inuu ka caawin doono sidii xal loogu heli lahaa siyaasadda murugsan iyo colaadaha dalkiisa ka taagnaa afartii sano ee lasoo dhaafay.

Booqashada madaxweynaha Suuriya ayaa noqonaysa tii ugu horreysray oo uu ku tago dal dibadda ah, tan iyo markii ay colaadaha sokeeye ee waddankaas ay qarxeen sannadkii 2011-kii. Iyadoo colaadaha dabada dheeraaday ee Suuriya ka jira ay sababeen in Ruushku uu faragelin millateri ku sameeyo dalka Suuriya.

“Faragelinteenna millateri waa mid aan ku doonayno inaan Suuriya ku xasilinno, waana soconayaa inta dalkaas uu ka noqonayo mid xasilloon. Howlgalladeenna millaterina waa kuwo durba guul aan ka gaarnay. Markii howl-gallada millateri dhammaadana shacabka Suuriya oo keliya ayaa yeelanaya go’aanka mustaqbalka dalkooda,” ayuu yiri Putin.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Suuriya oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in fara-gelinta millateri ee dalka Ruushku ay hakisay baahidda kooxaha argagaxisada ah, isagoo xusay in xaaladaha siyaasadeed ee Suuriya laga hadli doono marka khatartu dhammaato.

“Haddii aadan qaadan lahayn go’aankaaga faragelinta millateri ah, argagaxisadu waxay ku faafi lahayd gobolka oo dhan; balse hadda awood uma lahan kooxaha argagaxisada ah inay is-baahiyaan,” ayaa lagu yiri warbixinta Kremlin-ka ay baahisay.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa iyadana baahisay in madaxweyne Al-Assad uu ugu baaqay Mareykanka iyo dalalka kale ee gobolka sida; Sucuudiga, Turkiga iyo Qatar inay joojiyaan mucaaradada oo ay qayb ka noqdaan qorshayaasha la doonayo in lagu xasiliyo dalkiisa.

“Qorshaha ugu weyn ee wadahadallada labada mas’uul waa in la xoojiyo howlgalka looga horjeedo kooxaha argagaxisada ah ee ka dagaalamaya dalka Suuriya, kuwaasoo khatar ku ah ammaanka gobolka,” ayuu afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry S. Peskov warbaahinta ugu sheegay Moscow.

Ugu dambeyn, booqashada Bashar Al-Assad uu ku tagay Ruushka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan dalalka reer galbeedka ay ugu baaqeen inuu ka dago xukunka, inkastoo uu baaqaas gaashaanka ku dhuftay.