GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Shirkii Jaamacada Carabta iyo Koonfuur America –


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Koonfurta America ee ka socday magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay muhiimada iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo kuwa Koonfurta America oo uu sheegay in loo baahan yahay in sare loo sii qaado.

“Iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Koonfurta America waa mid muhiim ah oo wax-tar leh, kaasoo ku saleysan aragti mid ah, wadajirka labada dhinaca & horumarinta ganacsiga. Ujeeddada aan maanta halkan isugu nimid ma ahan oo keliya inaan muujino adkeynta iyo sare u qaadista iskaashigeenna is-taraatijiyadeed, balse waxaan dhanka kale dooneynaa inaan caalamka tusno in xiriirka iskaashi ee inaga dhexeeya uu yahay mid adag oo runta ku dhisan, si ficliyan ahina loo arki karo. Waxaan qirayaa inaan ku tallaabsaney horumar la taaban karo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo la dagaalanka argagixisada, taana waa guul u soo hoyatey Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfurta America’’.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Koonfurta America u sharaxay xaaladda Soomaaliya iyo doorka dalku uu ku yeelan karo iskaashiga caalamiga.

“Soomaaliya dib ayay uga soo kabaneysaa waayihii mugdiga ee colaadda iyo dagaalada sokeeye. Waxaan horumar la taaban karo aan ka sameynay nabadeynta iyo xasiloonida, maamul-wanaagga iyo abuurista hannaan si hufan loogu maareeyo dhaqaalaha waddanka. Dhaqaalaheenna wuxuu sameynayaa horumar. Waxaa la filayaa in xilliyada dhow aan gaarno horumar dhaqaale oo ka ballaaran kan aan hadda haysano. Dhaqaalaha gaarka loo leeyahay ee Somalia waa mid door weyn ku leh dalkeenna. Waxaana xusid mudan in dalalka aan ganacsiga wadaagno ay ku jiraan kuwa Koonfurta America, haddii aan tusaale u soo qaatana 9% badeecadaha aan dibadda ka keensanno waxay nooga yimaadaan dalka Brazil,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweyne Xasan khudbadiisa ku xusay in Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfurta America oo ku najaxa iskaashigooda ay ka dhigan tahay horumar caalamka uu gaaray, loona baahan yahay in laga shaqeeyo dhinacyo kale oo badan oo labada gobol ay iska kaashan karaan.

Shir madaxeedka afaraad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfurta America oo socday muddo laba casho ah (10-ka ilaa 11-ka November), ayaa si rasmi ah galabnimadii Arbacada loosoo xiray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya xoojinta iskaashiga labada dhinac.