GLOBAL NEWS

Madaxweynaha oo Munaasabada 15 May Awgeed Socod ku Maray Jidadka Muqdisho (SAWIRRO)


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed Sannad-guuradii 72-aad ee kasoo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasay dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Xafladdan awgeed ayuu madaxweynaha Somalia oo ay wehliyaan kumannaan qof waxay socod ku mareen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigay taalada SYL.

Socodka kaddib ayuu madaxweynuhu dadweyne u badan dhallinyaro kula hadlay fagaaraha Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay kalainta ay dhallinyaro walba ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

“Fariinta aan maanta idiin wado waxay tahay in dhallinyarada ay dalkooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo. Dadaalka aad waddaan waa inaad sii labanlaabtaan.,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dhallinyaradii sameeyay ururkii SYL 72-sano ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u huray in Soomaaliya ay Xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa darteed waxaan idin kula dar-daarmayaa idinkoo taas ka shidaal-qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan tallaabo dalkan horumar lagu gaarsiin karo.”

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa munaasabadda 15-ka May ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, Saraakiil Sare oo ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin kale iyo ururrada bulshada rayidka.

vcmnuuoerfdtjtrzdsbvi20155156356727277203111773