GLOBAL NEWS

Madaxda Dowladda oo ka Qayb-galay Jannaasada Marxuum Burci Maxamed XAMZA


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka Qayb-galay Tukashada Salaadda Jannaasada ee Burci Maxamed Xamza oo dhawaan ku shahiiday Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Hoteelka Naasa Hablood.

Waxaa kale tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza kasoo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kle, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Salaadda Jannaasada, kaddib mid-mid u gacan qaaday ehellada iyo Qoyska Marxuumka, Wuxuuna uga Tacsiyeeyay Geeridii Marxuumka ku timid, isagoo ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW-ha ee Arrimaha Deegaanka.

Ugu dambeyntii, Marxuumka oo 25-kii bishan Juun lagu dilay Hoteelka Naasa Hablood ee Muqdisho ayaa la Aasay, Waxaana uu ka mid ahaa; 20-qof oo lagu dilay Weerarkaas.