GLOBAL NEWS

Kulamo looga tashanayo Doorashada Sannadka 2016-ka oo ka furmaya Gobollada dalka


Kulamo looga wada-tashanayo nooca ay noqonayso doorashada dalka ka dhacaysa dalka sannadka 2016-ka, ayaa maanta ka billaabanaya guud ahaan magaalooyinka maamullada dakja ka jira iyo Muqdisho.

Wada-tashigan heerka Qaran oo bishii hore lagu aasaasay Muqdisho ayaa waxaa xubin ah madaxda dowladda, madaxda maamul-goboleedyada, xukuumadda, baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka arrinsanayaan qaabka doorasho ee sannadka 201-ka ka dhici doonta Somalia.

Sidoo kale, wadatashiyadan waxaa lagu qaban doonaa laba maalmood gudahood waxayna ka dhacayaan magaalooyin kala duwan sida; Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Garoowe iyo Cadaado si looga xaajoodo nooca doorasho ee suuro-galka ah ee dalka ka dhici doonta, kuwaasoo la isku raacay markii la joogay shirweynihi 1-aad ee Muqdisho lagu qabtay bishii lasoo dhaafay.

Kulamadan ayaa waxaa shalay laga furay magaalooyinka Cadaado oo si KMG ah xarun uGu ah maamulka Galmudug iyo magaalada Baydhabo oo iyaduna xarunta u ah maamulka Koonfur-galbeed, waxaana shirarkaas furay madaxweynayaasha labada maamul.

Dhanka kale, waxaa iyadana maanta la filayaa in shirarkaas ay magaalooyinka Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho ka furmaan; iyadoo furitaanka kulammadan ay ka qayb-geli doonaan madaxweynayaasha maamulladan iyo madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, shirarkan ayaa waxaa lagu ururin doonaa aragtiyada ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sannadka 2016-ka, waxaana la filayaa inay kasoo baxaan war-murtiyeed looga hadlayo nooca doorasho ee dhacaysa sannadka soo socda.