GLOBAL NEWS

KENYA: Taliyihii Al-shabaab ee Hoggaaminayay Weerarkii Ceel-cadde Duqeyn ayaan ku Dilnay


Taliyaha ciidamada Kenya Jen. Samson Mwathethe oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in duqeyn ay gudaha Somalia ka geysteen ku dileen taliyihii hogaaminayay ciidamada Al-shabaab ee Weeraray Saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Jen. Mwathethe ayaa sheegay in Macallin Janoow oo horkacayay ciidamada Al-shabaab iyo saraakiil kale ay ku dileen duqeyn cirka ah; ayna sidoo kale dileen tiro kale oo ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, taliyaha oo ka hadlayay weerarkii lagu qaaday saldhiga cidamadoodu ay ku sugnaayeen ee gobolka Gedo ayaa xusay inuu ahaa qaraxii ugu horreeyay mid ka weyn saddex jibaar Qaraxyadii lagu weeraray Safaaradda Maraykanka ee Nairobi sannadkii 1988-kii.

Taliyaha ayaa wuxuu xusay inay adag tahay in lagu ogaado barista DNA-da meydadka dadka ku dhintay qaraxyada. Isagoo xusay inay weli la’ yihiin askar badan oo ka tirsan ciidankooda, isagoo diiday inuu sheego tirada ciidamada kaga dhintay weerarkaas.

Ugu dambeyn, ma jiraan warar ka madax-bannaan Kenya oo xaqiijinaya geerida taliyihii hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo, kaasoo ahaa kii ugu xumaa eee lagu qaado ciidanka Kenya tan iyo 2011-kii markaasoo ay soo galeen Somalia.