GLOBAL NEWS

Iska-horimaad Xoogag Al-shabaab ka tirsan ku Dhexmaray Gobolka Jubbada Hoose


Wararka naga soo gaaray degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi iska hor-imaad ku dhex-maray laba dhinac oo oo iska soo horjeeda oo ka kala tirsan Al-shabaab.

Iska hor-imaadkaasi ayaa yimid sida dadka degaanku sheegeen kaddib markii kooxda Al-shabaab ay xirtay laba sarkaal oo hore uga tirsanaa ururka oo ay uga shakiyeen inay ururka Daacish ku biireen.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa sheegay in xaaladda Xagar oo 180-km Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ay haatan tahay mid kacsan, iyagoo ka cabsi qaba inuu halkaasi iska hor-imaad kale ku dhex maro dhiancyadaasi.

Iska-hoorimaadkan ayaa imanaya iyadoo toddobaad ka hor uu dagaal ku dhex-maray Al-shabaab iyo garab taageersan Daacish duleydka degmada Sakow oo ay labada dhinacba kaga dhinteen sagaal qof.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka la sheegayo inuu ku dhexmaray degmada Xagar oo gobolka Jubbada Hoose ka tirsan, laakiin dhawaanahan ayaa waxaa soo shaac-baxayay warar ku saabsan in khilaafyo xoggan ay u dhexeeyaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa si aad ah isugu khilaafsan ku biirista Kooxda ISIL oo loo yaqaanno dowladda Islaamiga ah, iyadoo garab ka mid ah kooxda oo ka howl-gala buuraha Galgala ee Puntland ay horay ugu dhawaaqeen inay kooxda ISIS ku biireen.