GLOBAL NEWS

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo maanta loo sameeyay kulan lagu sagootinayay


Kulan lagu sagootinayay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen [Muun-gaab] ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen inta badan mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kala duwan.

Qaar ka mid ah ka-qaybgalayaasha kulanka oo hadlay ayaa ku amaanay Xasan Muun-gaab marxaladihii adkaa uu kusoo hoggaamiyay gobolka iyo isbedelladii uu ku tallaabsaday intii uu xilka hayay, kuwaasoo haatan muuqda.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Muun-gab oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay isbedelka cuusb ee lagu sameeyay maamulka gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Sidoo kale, Muun-gaab ayaa u mahad-celiyay dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan iyo shaqaalaha gobolka Banaadir sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu xafiiska ku sugnaa.

Dhanka kale, guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee Muqdisho ayaa sheegay inuu bulshada Soomaaliyeed u sii shaqeyn doono, isla markaana uu garab taagan yahay maamulka cusub ee loo magacaabay maamulka gobalka Banaadir.

Ugu dabmeyn, 02-da bisha November ee soo socota ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto xaflad uu xilka si rasmi ah ula wareegi dooono guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta29-93587.htm#sthash.Rz28bnTo.dpuf