GLOBAL NEWS

Guddoomiyaha CRD oo ka hadlay Waxyaabihii Fashiliyay Shirkii Wada-tashiga ee Kismaayo ka dhacay


Guddoomiyaha Hey’adda CRD Jibriil Ibraahim C/lle oo u Warramayay VOA-da ayaa Faahfaahin ka bixiyay wixii fashiliyay shirkii lagu qabtay Kismaayo ee looga hadlayay doorashada Somalia ka dhicaysa sannadkan dhammaadkiisa.

Jibriil Ibraahim ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu daba socday shirar horay loo qabtay, uuna ahaa shir ay dhaqaale ku bixiyeen Soomaali, iyadoo aysan jirin hey’ado caalami ah oo dhaqaale ku bixiyay, taasoo uu ku tilmaamay mid aad loogu farxo.

Sidoo kale, wuxuu sheega in shirkan uu ahaa mid looga hadlayay qaabka dalka loo gaarsiin karo doorasho, maadaama madaxda dowlada Somalia loo xil-saaray in ay dalka gaarsiiyaan doorasho Qof iyo Cod ah, balse ay ka gaabiyeen fulinta arrintaas.

C/lle ayaa hadalkiisa ku daray in sannadkii 2014-kii uu soo baxay walaac caalami ah oo ku aaddan in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin Somalia, taasna keentay in lasoo diyaariyo qorshayaal kale oo ku saabsan in la abuuro qaab ka duwan qorshihii hore oo ah sida ugu fiican ee dalka doorasho uga dhici karto, isla markaana la sameeyay madal wada-tashi oo ay ku mideysan yihiin sadexda mas’uul ee dowladda ugu sarreysa iyo afarta madaxweyne goboleed, xubnaha dowladda iyo maamulada qeybaha bulshada, maadaama go’aanka hal qof gaari karin.

“Maadaama mas’uuliyada iyo qaabka loo isticmaalayo la ballaariyay, wuxuu ahaa in wax la isku waafaqsan yahay kasoo baxo, in awooda aanay hal koox qaadan, sidaas ayaana loo sameeyay madashaas, haddii go’aan la gaarayana ay noqoto mid la leeyahay. November waxaa soo baxday afar qodob oo laga doodayo sida doorasho uga dhici karto dalka iyo qaabka ugu fiican, illaa lix magaalo ayay shirar ka dhaceen, afartaas qodob talooyinka kasoo baxay ayay ahayd in la isku waafaqo, ma dhicin, haddana toddobo qodob oo kale ayaa soo baxday November 2015-kii, waxaa la yiri go’aanka ugu dambeeya shirka Kismaayo laga soo saaraa oo 10-ka bishan Jannaayo in kulanka qabsoomo, mar labaad ayuu fashil yimid,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

DHAGEYSO: Wareysiga Idaacadda VOA ay la yeelatay Agaasimaha Hay’ada CRD;

Dhanka kale, guddoomiyaha CRD ayaa sheegay in madaxda dowladda Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada ay ahayd inay kulmaan ka hor shirka Kismaayo, isla markaana isku tagaan, deegaanada ay ku wareegaan, si iyagoo is qanciyay loo tago shirka Kismaayo, si go’aan la isku raacsan yahay u soo baxo, balse ma dhicin middaas.

“Waxay ku qurux badnayd in waqti la geliyo inta aan la tagin shirka ka dhacay Kismaayo; oo ay madaxda Soomaalidu isku tagaan; deegaannada dalkana ku wareegaan, ayna is-qan-ciyaan, marka ugu dambeysana ay Kismaayo tagaan, iyagoo ogsoon jidka la mari lahaa, guusha ka soo bixi laheyd la abaaro, mar kale ma aysan dhicin,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxa CRD.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Waa markii u horreysay oo Soomaali ay dhexdeeda wadahadasho, iyadoo aanay ajaanibi ku dhex-jirin, rajo badan ayay shacabku qabeen oo ahayd in madaxda go’aan qaataan, wax walba waxay ku qurux badnaayeen in waqti la geliyo, in maantana la dhaho muddo lix maalin guahdeed ah ayaan go’aan gaareynaa runtii waa wax dhib badan, waqtigana wuu yar yahay.”

Ugu dambeyn, shirka Kismaayo ayaa laga filayay in go’aan looga gaaro nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan, balse shirka wuxuu soo dhamaaday iyadoo aan go’aan la gaarin, inkastoo madaxdu ay sheegeen inay shirar kale ku yeellan doonaan Muqdisho.