GLOBAL NEWS

Furitaankii Kal-fadhigii Toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia oo dib loo dhigay


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari] ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka Somalia oo markii hore loo asteeyay inuu furmo 21-ka Oktoobar, 2015-ka.

“Dhammaan xildhibaannada baarlamaanka waxaa la ogeysiinayaa in furitaanka kal-fadhiga todobaad ee baarlamaanka oo la qorsheeyay 21-ka bishan dib loo dhigay illaa 25-ka bishan Oktoobar 2015, si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajandayaasha kal-fadhiga cusub,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaa laga codsanayaa dhammaan xildhibaanada inay dalka kusoolaabtaan, diyaarna u noqdaan ka qayb-galka furitaanka kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka, sidoo kale guddiga joogtada ah iyaguna waa inay ugu dambeyn dalka soo galaan 23-ka Oktoobar 2015-ka.”

Ugu dambeyn, baarlamaanka hadda jira ayaa waxaa howshiisa ka harsan laba kal-fadhi oo kala ah kan toddobaad iyo sideedaad; iyadoo howlo badan ay hor-yaalaan tan iyo sannadka soo socda ee 2016-ka