GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Xaalada Guud ee Dhuusa-mareeb Kaddib Dagaal Culus oo illaa Xalay ka socday


Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib dagaal culus oo magaalada Dhuusa-mareeb ku dhaxmaray Xoogagga Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna iyo Malleeshiyaad daacad u ahaa Sarkaal kasoo goostay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobollada Dhexe oo lagu magacaabo Mursal Sh. Maxamed Xeefoow, ayaa Warbaahinta u sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Magaalada oo dhan, waxaana uu intaa ku darray in ay qabteen isaga oo dhaawac ah Liibaan Madaxweyne oo ah hogaamiyaha xoogagga kasoo horjeeda Ahlu Sunna Waljameeca.

Ruux shacab ah oo ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa isna u sheegay Warbaahinta inay xaalad adag oo dhinaca nolasha ahi ka jirto Magaalada, madaama ku dhawaad 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay shacabku awoodi waayeen inay gurahooda ka soo baxaan, iyagoo ka cabsi-qaba wax yeello ka soo gaarta dagaalka.

”Hadda xaaladda waa mid deggen, laakiin wali baqdin ayaa jirta, oo mar marka qaar waxaa la maqlayaa Rasas goos-goos ah, Dadkuna guryahooda weli kama soo bixin karaan, Waxay cunaan ma heystaan, biyaha magaalada way go’an yihiin, Qof walba Guriga ayuu ku Xiran yahay,” ayuu yiri qofka rayidka ah ee la hadlay warbaahinta.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobollada Dhexe ayaa ku eedeeyay Dagaalkan in ay soo Abaabushay Dowladda federaalka Soomaaliya; iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay dowladd federaalka Somalia ka bixisay eedeynta ay u soo jeedisay Ahlusunna Waljameeca.

Dhanka kale, Marka laga soo tago sheegashada Ahlusuna ee ah inay si buuxda Gacantooda ugu jirto guud ahaan Dhuusa-mareeb iyo Qabashada sarkaalkii Hoggaaminayay Xoogagga Dagaalka la galay Ahlusunna, Haddana illaa hadda ma jiraan Warar kale oo Madax-banaan oo arrimahaa ka hadlaya.

Liibaan Madaxweyne oo ah sarkaalkii Dowladda Soomaaliya u Qaabilsanaa Amniga Shir-weynihii lagu soo dhisay Maamulka Galmudug ayaa Sannadkii hore kasoo goostay isagoo watta tiro gadiidka dagaalka ah degmada Cadaado, waxaana uu waqtigaa sheegay in uu ku soo biiray maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Ugu dambeyn, bilihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhaxeeyay maamulka Ahlusunna Waljaamaca iyo Sarkaalkaan oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoo ugu danbeyntiina uu dagaalka ka dhax qarxay labada dhinac.