GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu Qaaday Saldhiga ciidanka DF ee Laanta-buuro iyo Khasaarihiisiii


Ugu yaraan 15-qof oo intooda badan ay yihiin askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somalia ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ciidanka DF Somalia iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray xalay saldhigga Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose oo 50-km u jirta Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo ay Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku qaaday Saldhigga Laanta oo ay ku sugnaayeen Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, halkaasna uu ka qarxay dagaal culus.

Xoogaga Al-shabaab ayaa weerarkan u adeegsatay gaadiid Qaraxyo laga soo buuxiyay, iyagoo markaas kaddibna gudaha u galay saldhigga, halkaasoo ay ka qaateen gaadiid dagaal, hub kala duwan iyo rasaas.

Mijir Axmed Faarax oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somalia oo ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalkan looga dilay 12-dagaalyahan, balse ma uusan sheegin tirada dhankooda laga dilay.

Balse, Mas’uul kale oo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye ayaa isagana u sheegay in ciidamada dowladda laga dilay shan askari, Isla markaana ay Al-shabaab gudaha u galeen saldhiggaas oo ay hub iyo gaadiid kala baxeen.

“Weerarku wuxuu ku billowday Qarax Albaabada Xerada lagu furay, kaddibna waxaa dhacay dagaal culus oo socyda muddo saacado ah. Al-shabaab way u suuro-gashay inay gudaha u galaan saldhigga,” ayuu yiri Mijir Axmed Faarax.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in werarkaas ay ku dileen in ka badan 30-askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayna xeradaas ka qaateen gadiid dagaal oo toddoba ah iyo hub kala duwan.

Al-shabaab ayaa tan iyo 10-kii sano ee u dambeeyay isku dayaysay inay ka tuurto xukunka Dowladda Somalia, inkastoo aysan taasi u suuro-gelin, taas badalkeedana laga saaray deegaanno kala duwan sannadihii u dambeeyay.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weerarradan oo kale ku qaaddo saldhigga Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sannadkii hore weerar noocan oo kale ah ku qaaday Askar badanna ku dilay.