GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Qatar oo Kulammo la yeeshay Madaxda Somalia


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa maanta ku Qaabilay Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar, Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Muqdisho .

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u Xiran yihiin ayaa waxay kulan kale ay Wadiga Qatar la qaateen xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ka qayb-galeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Waxbarashada, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Amniga Gudaha xubno ka tirsan wasiir ku xigeennada iyo Wasiir u dowlayaasha Somalia, Taliyaha Sirdoonka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Shir Jaraa’id oo si Wadajir ah ay u Qabteen Wasiirada Arrimaha Dibadda Somalia iyo kan Qatar Kulammada kaddib ayaa waxay ku sheegeen inay kawada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qatar ayaa sheegay in Dalkiisu uu Garab-taagan yahay Somalia, kana qayb-qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo-celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isna xusay in dhiggiisa Qatar ay kala hadleen iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay yeeshaan, xaaladaha ammaan darro ee Yemen, gaar ahaan taageerida iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran Yemen.

Hadliye ayaa xusay in Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yihiin Mowqifka taageeridda dowladda sharciga ah ee Yemen, ayna rajeynayaan in nabadda dalkaas ay dib u soo laabato.

Wafdiga uu Hoggaainayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa Waxay booqasho ku tageen dhul dowladda Hoose ee Xamar ay ugu deeqday Qatar, kaasoo ay ka Dhisanayaan safaarad cusub.

Ugu dambeyn, Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa uga mahad-celisay waajibaadka Qaranimo ee ay guteen ciidamada amniga oo sugayay amaanka Wafdiga Dowladda Qatar ka socday ee maanta soo booqashada ku yimid Muqdisho, Taasoo Muujineysa koboca iyo dhismaha awoodda ciidamada Qaranka .

Booqashadan ayaa ahayd middii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Qatar uu ku yimaado caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo Wafdiga ay isla maanta Dib ugu laabteen Dalkooda.