GLOBAL NEWS

FAAHFAAHIN: Qaraxii Khasaare Sababay ee ka Dhacay Maanta Suuqa Wadajir ee Muqdisho


Ugu yaraan 16-qof oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday maanta Suuqa weyn ee Degmada Wadajir ee Muqdisho, Waxaana la sheegay in dableydii falkaas geystay oo gaari watay ay baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in bam-gacmeedkan khasaaraha geystay laga soo dhex-tuuray baabuur kuwa raaxada ah oo suuqa dhex-maryay, kaasoo dadkii weerarkan ka dambeeyay ay wateen.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed C/lle Afrax ayaa Warbaahinta u qaarkeed ugu sheegay Muqdisho in dadka dhaawacmay ay dhamantood ahaayeen shacab, ayn carruur iyo haween ka adeeganayay suuqaas ku jireen.

Dableyda weerarkaan geysatay ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkstooo kooxdu aysan weli ka hadlin qaraxan inay ka tahay mas’uul iyo in kale. laakiinse Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa u sheegay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua in lagu daba-jiro kooxihii weerarkaas geystay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Degmada Wadajir, Abuukar Sh. Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan ayna baadi-goob ku hayaan kooxihii ka dambeeyay.

“Xaalddu hadda way daggan tahay,” ayuu yiri Abuukar, oo sheegay in markii uu qaraxan khasaaraha geystay dhacayay uu suuqu ahaa mid aad mashquul u ahaa oo ay dad badan ka adeeganayeen.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay falal ammaan-darro ay ka dhacaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo weerarkan uu imaanaya iyadoo diyaar-garow loogu jiro maalinta ciiddul-fidri oo ku began berri oo Arbaco ah