GLOBAL NEWS

Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho oo sheegay in la furi doono Waddooyinka xiran ee Muqdisho


Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo ka dhacday degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in la furi doono waddooyinka xiran ee ku yaalla Muqdisho.

Jimcaale ayaa xusay in maamulkiisu uu wax badan qaban doono, isla markaana ay ugu horreyso sugidda amniga, nadaafadda iyo furista waddooyinka xiran ee ku yaalla xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in la furi doono waddooyin xiran oo ku yaalla degmada Xamar-weyne sida waddada dhinac-marta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaan shacabka magaalada Muqdisho u ballan-qaadayaa inaan nadaafada magaalada ka shaqeynayno, inaan amniga ka shaqeynayno, inaan waddooyinka la xir-xiray ee xaryiray in isbitaalka dhaqso lagu gaarsiiyo gabadha Soomaaliyeed ee foolanaysa oo albaab walba iyo meel walba dhagax lagu goostay inaan furayno. Reer Xamar-weyne waan u billonay, dhabarka Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar waddadii maraysay waan furnaynaa; dadkan waxaa u sheegay in waddo aan la xiran karin,” ayuu yiri Yuusuf Jimcaale.

Duqa Muqdisho oo sii hadlaya ayaa yiri. “Amniga annaga ayaa mas’uul ka ah oo sugayna; laakiinse ganacsiga lama xirayo, waxaan maanta ballan-qaadnay inaan ka furnayno AMISOM jidka dhinaca Hotel Maleyka marta, waayo inagu waxaan u adeegaynaa shacabka, waxaan nahay adeegayaal, shacabkana waxaan ka rabnaa inay nala adeegaan.”

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ayaa loo xiray arrimo la xiriira dhanka amniga, waxaana jira waddooyin aanay mari karin gaadiidka iyo shacabka, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ee xiran ay qaarkood xirteen dad gaar ah.