GLOBAL NEWS

Diyaaradihii Imaan jiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Intooda badan Maanta baaqday


Diyaaradihii Caalamiga ahaa ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalad Muqdisho imaan jiray dagi jiray ayaa intooda badan maanta baaqday, kaddib qarax shalay ka dhex dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airlines, taasoo baaritaankeeda uu weli socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda Turkish Airlines oo joogo u imaan jirtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho maalin kasta ayaan iman saddexdii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn illaa sababta ay Duullimaadyadii ay maalin walba ku imaan jirtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, Wararka intaas ku daraya in diyaaraddii Daallo Airlines ee shalay uu ka dhacay Qaraxa ay wadday 74-rakaab ah oo ay Muqdisho ka qaadi lahayd Qaadi lahayd Diyaaradda Turkish Airlines, Taasoo la sheegay inay Jabuuti kasii qaadi lahayd, iyadoo Mas’uuliyiinta Duulista Hawada ee Dowladda Somalia ayaa Xusay inaysan ogeyn sababta ay Muqdisho u iman weyday Turkish Airlines dhowrkii maalmood ee u dambeeyay.

Agaasimaha Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Duulista Somalia, C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno ku saabsan shilkii shalay qabsaday diyaaraddii Daallo Airlines, muddo dhowna ay soo saarayaan warbixin ku saabsan shilkii dhacay.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in baaritaanka shilkan ay wadaan khuburo dowladda Somalia ka tirsan iyo hay’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya, iyadooo baaritaanka lagu sameynayo diyaaradda, qofkii ka dhacay iyo weliba waxyaabo kale oo la xiriira baarista.

Diyaaradaha aan Maanta soo cago-dhigan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah; Jubba Airweys, marka laga reebo Diyaarad yar oo ka Timid Hargeysa, Diyaaradda Daallo Airlines iyo diyaarado kale, laakiin waxaa timid diyaaradda 540 oo ka mid ah kuwa caalamiga ah.

Inkastoo hay’adaha amniga DF Soomaaliya aysan weli kasoo saarin warbixin dhameystiran Shilkii ka dhacay Gudaha Diyaaradaha Daallo Airlines ee dib ugu soo laabtay Muqdisho; ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inuu ahaa shilku uu ahaa mid qarax ah oo gudaha diyaaradda ka dhacay.

Ugu dambeyn, Ruux ka Dhacay Diyaaradda oo Rakaabka ka mid ahaa ayaa laga soo Helay Meydkiisa meel ku dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaasoo la xusay inuu fadhiyay qaybta uu qaraxu ka dhacay, waxaana meydkiisa lasoo gaarsiiyay Muqdisho.