GLOBAL NEWS

Dagaal culus oo maanta mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan


Dagaal xoogan ayaa maanta mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkan cusub ay ku geeriyooday ilaa tobaneeyo ruux, halka tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah maleeshiyadii labada maleeshiyo ee halkaas horay uga dagaalamay ay weerarka qaaday, waxaana halka uu dagaalka ka qarxay la sheegay inay tahay tuulooyin hoos taga Deefow iyo kuwo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan ee uu la wadaago Itoobiya,

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Boolis, iyadoo ciidamadan ay sidoo kale ku lug lahaayeen dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xadka Gobolka Galgaduud.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la dhiay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyn, waxaana qaarkood la sheegay in dhaawacooda uu aad u culus yahay.

Dagaaladan ayaa salka ku hayay lahaanshaha dhul ay isku hayaan labo beelood, waxaana dhulkaas ay yihiin kuwo caan ku ah wax soo saarka beeraha.

Xaalada deegaanka Deefow iyo tuulooyinka hoos taga ayaa ahaa kuwo muddooyinkii u dambeeyay xaaladooda degeneyd, waxaana socday waan waan iyo dadaalo la doonayay in colaadaas lagu soo afjaro.