GLOBAL NEWS

Ciidamo ka tirsan booliiska Koonfur-galbeed oo Tababar loogu soo Xiray Baydhabo


AMISOM ayaa laba maalmood ka hor tababbar ugu soo xirtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ciidan booliis ah oo tiradoodu ahayd 200-askari, kuwaasoo ka tirsan ciidamada booliiska maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo uu muddo saddex bilood ah tababarku u socday.

Munaasabaddii xirtaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa; madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo taliyaha guud ee ciidamada booliiska AMISOM, Anand Pillay.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa sida guusha leh ee aad ku dhameysteen tababbarkii la idiin siinay. Hadda waxaa idin saaran mas’uuliyad weyn oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed aad uGu shaqeynaysaan, idinkoo raacaya sharciga. Dhanka kale si dhaqso ah ayaa la idiin qalabeyn doonaa, si aad u gudo-gashaan howsha la idinka sugayo. Waxaadna tihiin qaybtii ugu horreysay oo booliiska maamulka Koonfur-galbeed loo tababaray,” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal ka jeediyay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay boqolaalkan askari.

Mas’uuliyiiintii kale ee xafladda goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa; Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar oo taliye ku xigeenka booliiska AMISOM, Christine Alalo, madaxa shaqaalaha AMISOM, Epiphanie Kabushemeye, La-taliyaha arrimaha la xiriira booliiska ee xafiiska QM ee Somalia, Hans Wanderstein iyo weliba taliyaha qaybta saddexaad ee AMISOM, Gabre Mikael Yemane.

Sidoo kale, Epiphanie Kabushemeye oo ku hadlaysay magaca wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia ayaa waxay ku amaantay askarta booliiska ah ee tababarka loo soo xiray dadaalladii ay muujiyeen intii uu tababarku u socday.

“Anigoo ku hadlaya magaca wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya iyo kayga waxaan u hambalyeynayaa booliiska tababarka loo soo xiray, waxaan kaloo bogaadinayaa dadaallada dib loogu dhisayo ciidankii booliiska Somalia oo ay wadaan dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira. Waxaana ciidamadan gabadhaha iyo wiilasha ah ee ka tirsan booliiska Somalia ku bogaadinayaa inay xil iska saaraan sugidda amniga dalka,” ayay tiri Epiphanie Kabushemeye.

Kabushemeye ayaa waxay xustay in booliiska AMISOM ay ka go’an tahay inay si wadaan tababarka booliiska Soomaaliya, taasoo ay sheegtay inuu qayb ka yahay waajibaadyadooda shaqo ee Somalia u joogaan.

Dhanka kale, saraakiisha ciidanka booliiska AMISOM ee goobta ku sugnaa ayaa waxay ka sheegeen iyaguna munaasabada in ciidanka tababarka loo soo gunaanaday inay shaqadooda ku daba-qaan wixii ay barteen intii uu tababrku u socday.

Ciidankii booliiska ahaa ee tababarka loosoo xiray oo ay ka mid yihiin saraakiil ayaa lagu dhaariyay goobta, waxaana la guddoonsiiyay shahaadooyin caddeynay tababarka ciidan ee ay qaateen; iyadoo lagu boorriyay inay ilaaliyaan sharciga inta ay howsha sugidda amniga ah ku gudo-jiraan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, Sharifi Xasan Sh. Aadan iyo taliyaha booliiska AMISOM, Anand Pillay ayaa booqday saldhigga booliiska ee degmada Baydhabo, iyagoo dhagax-dhigay dhisme lagu dayactirayo saldhiggaas.