GLOBAL NEWS

Burcad-badeed Somali ah oo sannado ku xirnaa Kenya oo dib loogu celiyay Somalia


Muwaadiniin Somali ah oo tiradoodu ahayd toddoba qof uguna xirnaa Dalka Kenya Burcad-badeednimo muddo toddoba sano ah ayaa dib loogu soo celiyay Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa sii-dayntooda danjiraha Soomaaliya u farahiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan.

Toddobadan qof ee Soomaalid ah ayaa ku xirnaa muddadaas sannadaha ah xabsi ku yaalla Mombasa, ayaa waxay dhameysteen xukunka, inkastoo ay iska diideen inay ahaayeen burcadbadeed.

Sidoo kale, dib u celinta Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee burcad-badeedda ku eedeysnaa, isla markaana xabsigooda dhameystray ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda UNODC iyo waaxda socdaalka dalka Kenya.

Qaar ka mid ah muwaadiniintan Soomaaliyeed ee xabsiga laga sii daayay ayaa sheegay inay dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen xabsiga intii ay ku jireen, iyagoo sheegay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay mararka qaarkood soo booqan jireen.

Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Jamaal Mxamed Xasan ayaa la dar-daarmay toddobadan ruux oo dhammaantood rag ahaa, wuxuuna u sheegay ina y dadaal u galeen soo dayntooda, loona baahan yahay inay hadda kaddib horumarrinada dalka ka socda ay qayb ka qaataan.

Ugu dambeyn, Muwaadiniin badan oo Soomaali ah ayaa ku xiran waddamo kala duwan oo Afrika iyo calaamka ah, kuwaasoo ku eedeysan Burcad-badeednimo, inkastoo ay iska diideen dambiyada lagu soo eedeeyay.