GLOBAL NEWS

Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ka doodaya mooshinka dhismaha Baarlamaanka Jubba


Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay loo akhriyay mooshin ka dhan ah dhismaha Baarlamaanka Jubba ayaa maanta mar kale guda galaya dooda ku saabsan mooshinkaas.

Mooshinkan oo ay gudbiyeen Tiro Xildhibaan ah ayaa waxay uga soo horjeedaan qaabka loo xulay kuraasta Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka KMG ah ee Jubba.

Xildhibaano dhowr ah oo shalay ka hadlay mooshinkan ayaa muujiyay inay jirto cadaalad daro iyo in beelo badan xaqooda la duudsiiyay.

Sidoo kale Xildhibaanada ka hadlayay mooshinkan ayaa qaarkood sheegay in Baarlamaanka uu xaq u leeyahay inuu gacan u qaado Maamulada KMG ee ka mid ah dowladda Federaalka, waxaana ay tilmaameen in hadii aan maanta la sixin inay adkaan doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in inta hartay Xildhibaanada ka doodaya mooshinka maanta oo Talaado ah la dhameystiri doono.

Dastuurka ayaa qaba in Maamulkii buuxiya shuruudaha maamul goboleedyada ay isku raaci karaan oo ah labo gobol iyo wixii ka badan ay noqon doonto in ugu dambeyn Maamulkaas uu soo maro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ansixiyo.

Laakiin Maamulada KMG ayaa iska indha tiraya awoodaha uu leeyahay Baarlamaanka Federaalka, waxaana qaarkood isu arkaan sidii dowlad oo kale.

Dhowaan ayay aheyd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay in aan dowlad goboleed loogu yeeri karin Maamulada KMG, maadaama aysan wali marin habkii sharciga ahaa.