GLOBAL NEWS

Baarlamaanka Federaalka oo maanta cod u qaadaya mooshinkii dhismaha Baarlamaanka Jubbaland


Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay cod u qaadaan mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba oo muddo labo todobaad ka badan doodiisa ay taagneyd.

Baarlamaanka ayaa kulmaya todobaad kadib markii uu dib u dhac ku yimid codkii la doonayay in loo qaado mooshinkaas, kadib markii Xildhibaanada ay soo gaba gabeeyeen doodii mooshinkaas.

Hab dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in ajandaha kulanka maanta uu yahay sidii cod loo gelin lahaa mooshinka laga keenay Wakiilada Maamulka Jubbaland.

“Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegantahay 1-da bisha June, ajandayaasha waxaa ka mid ah u codeynta mooshinka Jubooyinka, akhrinta koowaad ee sharciyeynta shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Inkastoo todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha uu booqasho ku tagay Kismaayo, si uu maamulka Jubba ugala hadlo arrinta ku saabsan mooshinka laga keenay dhismaha Baarlamaanka Jubba ayaa arrintas waxaa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan in Guddi Xukuumadda u saartay dadka cabanaya inay la fariistaan, si loo xaliyo cabashooyinka.

Hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku gacan seyray arrintaas, iyagoo xusay in howsha Xukuumadda iyo tan Baarlamaanka ay kala gaar tahay, isla markaana Baarlamaanka uu shaqadiisa qabsanayo, maalinta ugu soo horeysana cod loo qaadi doono.

Lama oga sida wax noqon doonaan, waxaana isha lagu hayaa kulanka maanta dhici doono ee ajanduhu yahay cod u qaadista mooshinka, iyadoo todobaadkii horena uu u baaqday cod u qaadistaas, kadib markii uu buuxsami waayay tiradii loogu tala galay ee cod u qaadi laheyn mooshinkaas oo ah saddex meelood labo meel.