GLOBAL NEWS

Aqoon-yahanada gobolka Waqooyi Bari-Kenya oo qabtay shir looga hadlay nabada (SAWIRRO)


Shir looga hadlay nabadda laguna soo bandhigay amni-darida ka jirto qeybo fara badan oo kamid ah dalka Kenya, gaar ahaan gobalka Soomaalidu ay dagto ee waqooyi Bari, ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen aqoon-yahano ka soo jeedo Gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa lagu soo bandhigay muhiimada ay nabadu leedahay, iyadoo dhamaan dadkii ka qeyb galayna ay ka hadleen sida ugu wanaagsan ee nabada looga shaqeyn karo.

Cabdulrisaaq Caraale oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Aqoon yahanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo NEPA, ayaa sheegay in sababta shirka ay u qabteen ay tahay; in ay u cadeeyaan dadka kale ee Kenyan ah in shacabka Soomaaliyeed aynan ku lug laheyn falalka amni darada ah ee ka dhacaayo wadanka Kenya.

“Dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ayey dhibaatada Kenya ka jirto oga hortagaan, waxaad sidoo kale ogtihiin in dhibaatooyin badan oo dad aanan waxba galabsanin oo shacab ah lagu laayay ay ka dhaceen Gobalka Waqooyi Bari Kenya iyo meelo badan oo Kenya ka tirsan, waxaana ka soo horjeednaa dhibkaas dadka geysanaayo”, ayuu yiri Caraale oo ka dalbaday Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Culuma’awdiinkii shirkaas ka qeyb galay iney u istaagaan wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas.

Guddoomiye Caraale oo Macalin ka ah mid kamid ah Jaamacadaha ku yaallo Kenya, ayaa dhanka kale ka codsaday dadka ku dhaqan gobalka Waqooyi Bari, iney si buuxdo ula shaqeeyaan dowlada si wax looga qabto nabad galyo darida ka jirto deegaanadaas.

Dhanka kale Hay’ada shirkaan qabatay ee ay ku mideysan yihiin Aqoon yahanada Gobolka Waqooyi Bari, ayaa la aas-aasay kadib markii ay soo bateen falalka lagu wax yeeleynaayo dadka aanan Soomaalida aheyn ee ku sugan Gobalka Soomaalidu ay ka dagto wadanka Kenya, kuwaasoo sababay in qowmiyadaha kale ay ka aaminaan dadka Soomaaliyeed fikrado xag-jirnimo ah.

Sidoo kale Hay’adda NEPA, ayaa sheegtay iney dhiiri-galineyso is dhexgal bulshooyinka kala duwan ee ku wada dhaqan Kenya, si meesha ay oga baxdo fikradaha laga aaminsan yahay Soomaalida.

Kenya, ayaa waayahaan dambe waxaa ku dhacay weeraro iyo qaraxyo is xig xigay oo badankoodu ka kala dhacay Gobalada Waqooyi Bari iyo Gobalka Xeebta Kenya, waxaana weeraradaas oo masuuliyadooda ay sheegatay Al Shabaab inta badan lagu wax-yeelayay dad shacab ah oo aanan waxba galabsanin.