GLOBAL NEWS

Xuska 56-sano guuradii Xorriyada iyo Midowgii Somalia oo lagu Qabtay Muqdisho


Munaasabad lagu Xusayay 56-guuradii kasoo Wareegatay markii gobollada Koofgureed ee Somalia ay Xorriyadda ka qaateen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay Soomaaliya Midowday, ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka Tisran Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Gobollada Waqooyi ee Somalia, ayaa waxay ka Xorroobeen Gumeysigii UK 26-kii Juun, 1960-kii, iyadoo Gobollada Koonfureed ay iyaguna Talyaaniga ka xorroobeen 01-dii July, 1960-kii, isla markaana ay ahayd markii ay labada gobol ee Soomaliya midoobeen.

Xuskaan, ayaa waxaa hadallo ka jeediyay, Madaxweyne, Xasan Sheekh, RW Sharma’arke, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo munaasabadda goobjoog ka ahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Hadalkaas ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana aysan hilmaamin dhibkii loosoo maray Xorriyadda maanta la haysto.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada Soomaaliya iyo Muqdisho si isku mid ah ay uga dhacaan xaflado kala duwan oo maalinta midowga Soomaliyeed ee 01-da Luuliyo lagu xusayo.

RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay dhmaantood uga shaqeeyaan xoojinta midnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay isagana xorriyadda iyo midowgii Soomaaliya, wuxuuna xusay inay tahay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta minidmada Soomaaliya iyo xil weyn la iska saaro sidii dalka horumarkiisa looga shaqeyn lahaa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta midnimada Ummada Soomaaliyeed shacabkana looga baahan yahay in Dowladda Federaalka ku tagaeeraan tallaabooyinkaas.