AF-SOOMAALI

Xukuumadda Somalia oo Shaacisay inay Hakad-gelisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya


Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa maanta waxay ku dhawaaqday inay hakad gelisay diyaaradihii Jaadka/Qaadka ka keeni jiray Dalka Kenya, laga billaabo Tallaadada berri ah oo ay bishan September ku beegan tahay 06-da.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangeli oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si KMG ah u joojiyeen Diyaaradihii Garoomada Soomaaliya Jaadka keeni jiray, isagoo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan xilliga dib loo furayo.
“Diyaaradihii Qaadka Somalia uga keeni jiray Kenya, Waxaan laga billaabi Talaadada berri u joojinnay si KMG ah, dib ayaanan kasoo sheegi doonnaa Waqtiga dib ay u billaabnayaan,” ayuu yiri Jangeli oo ka gaabsaday inuu ka hadlo Sababta loo joojiyay Diyaaradaha Somalia keeni jiray Jaadka maalin walba, wuxuuna xusay in duruufo jira awgood go’aankan loo ay u qaateen.

http://hiiraan.com/images/2015/july/Cali_Axmed_Jangeli_WGDH_Somalia.jpg
Sidoo kale, Wasiirka oo u Warramayay Idaacadda VOA-da, ayaa la weydiiyay in Joojintan ay la leedahay xiriir Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD oo 10-ka bishan September ka furmaya Muqdisho, ayuu ku jawaabay, inaysan wax shuqul ah isku lahayn, balse arrimo kale oo aanu doonayn inuu sheego ay la xiriirto go’aanka ay gaareen.
Wasiirka oo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd sida ay ka yeelayaan haddii ay Diyaaradaha Jaadka Kenya geeyaan Qaad garoomada kale ee ku yaalla meelaha ay maamulaan maamul-goboleedyada dalka ka jira, sida Baydhabo iyo Gaalkacyo, ayuu sheegay inay jiro Tallaabo gooni ah oo ay qaadayaan haddii ay taasi dhacdo.
Dhanka kale, Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Faysal Aadan Haybe – oo isagana soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay maanta uusan iyaga Khuseyn, isla markaana Diyaaradihii Somaliland Qaadka keeni jiray ay u imaanayaan garoommada Somaliland sidii caadiga ahayd.
Ugu dambeyn, Somali ayaa ah suuqa ugu weyn ee Kenya ay u iib-geyso Jaadka ka soo baxa beerahooda, waxaana maalin walba kasoo degi jiray Garoomada Dalka Somalia in ka badan 16 diyaaradood oo sida Qaad ama Jaad kala duwan.