GLOBAL NEWS

Xukuumadda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Saldhigga Ciidanka AMISOM ee Ceel-cadde, Gedo


Xukuumadda federaalka Somalia ayaa maanta si adag u cambaareysay weerarkii xoogagga Al-shabaab ay ku qaadeen shalay saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

“Anaga oo si gaar ah u garwaaqsan, lana qayb-saneyna khasaaraha xanuunka leh ee gaaray shacabka iyo Xukuumadda Kenya, kuwaasoo Wiilashooda iyo Gabdhahooda si geesinimo leh u ugu soo diray dalka si ay u soo celiyaan rajada iyo xasiloonida Somalia. Waxaanan u sheegaynaa inaan la xanuusanayno,” ayuu lagu yiri war-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia kasoo baxay.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay inay dhamaan ciidanka AMISOM ee Somalia jooga iyo kuwa xoogga dalka Somalia ay ku shaqeeyaan si geesinimo leh. Iyagoo nafhurnimada iyo dadaalka ay wadaagaan ku xaqiijiyay mar kale la gaaro horumar dhinacyo badan leh.

“Waxaanu tacsi u direynaa qoysaska, saaxiibada iyo dadkii jecel ciidamadii lagu laayay deegaanka Ceel-cadde, waxay ahaayeen geesiyaasha naftooda u waayay ilaalinta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, xoojinta hay’adaha dowladeed & ilaalinta guusheena ka dhanka ah argagaxisada. Mana illoobi doonno naf-hurnimadooda, mana noqon doonto wax cayaar gal,” aya amar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Somalia ayaa xustay inaysan marna ka gaabin doonin, guul laga gaaray nabadda iyo horumarka dalka, weerarrada ay Al-shabaab geysanaysana aysan hor-joogsan doonin horumarrada lagu tallaabsanayo.

“Ciidanka xoogga iyo kuwa AMISOM waxaay sii wadi doonaan howlgallada wadajirka ah illaa iyo inta laga xoreynayo Al shabaab taako waliba oo ka mid ah Somalia, dadkeenna uu noqdo mid xor ah, si uu u gaaro yididdiiladiisa nabadda iyo xoriyadda,” ayuu war-saxaafadeedka lagu yiri.

Ugu dambeyn, waxaa lagu soo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedka; in falalka murugada ah ee caalamka ka dhacay xilligan oo ay ka mid yihiin; weeraradii Paris, Istanbul, Jakarta iyo Ougadugo ay argagaxisadu tahay dhibaatada dunida maanta hortaagan. Waxaa waajib nagu ah inaan jebinno shartaasi si wadajir ah si loo suuro-geliyo nabad, horumar iyo barwaaqo.