GLOBAL NEWS

Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay Joojinayso Marti-gelinta Qoxootiga Somaliya


Xukuumadda Kenya ayaa Jimcaha maanta ah Shaacisay in aysan marti-gelin doonin wixii hadda ka dambeeya dadka Soomaaliyeed ee qoxooti ahaana u galaya dalkeeda, iyadoo sheegtay inay baqdin ka qabto amni-darro.

“Dowladda Kenya oo tixgelinaysa danaha amniga Qarankeeda, waxay go’aansatay inaysan marti-gelin doonin qoxootiga Soomaaliya ka imaanaya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu ku saxiixnaa sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Kenya oo lagu magacaabo, Karanja Kibicho.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in qoxootigii dhawaan soo galay Kenya aan la siin doonin aqoonsi qoxootinimo, Dowladda Kenyana ay dadaal u geli doonto sidii Qoxootigii Soomaaliyeed ee horay ugu sugnaa xeryaha Dhadhaab ay dib ugu celin lahayd dalkooda.

Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya ayaa waxaa xilligaan ku jira 550,000 oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan kasoo cararay colaadihii kala duwanaa ee Somalia ka socday.

“Farriinteennu waa mid cad, waxaanu xiraynaa xeryaha Qoxootiga ee dalkeenna ku yaalla, mana aqbali doonno in Qoxooti kale ay Waddankeenna soo galaan,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, Mwenda Njoka.

Afhayeenka oo sii hadlayay, ayaa intaas ku daray in go’aankaan cusub ay ugu Talo-galeen Qoxootiga Soomaaliya ka yimid, laakiin ay saameyn doonto kuwa dalalka kale ka yimid ee Kenya soo galaya ama ku sugan.

“Dhibaatada ugu weyn ee ina haysataahi waa qoxootiga Soomaaliya ka yimid, waana kuwa aan doonayno inaan Sharcigaan cusub ku billowno,” ayuu Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha Kenya hadalkiisa raaciyay.

Sannadkii 2013-kii, ayaa waxaa Xukuumadaha Kenya, Somalia iyo weliba UNHCR Dhex-maray heshiis saddex-geesood ah oo ku qotoma sidii Qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab dib loogu celin lahaa wadankooda, balse heshiiskaas wuxuu dhigayay in dib loo celin karo oo keliya kuwa ogol inay waddankooda ku laabtaan.

Tan iyo xilligaas, waxaa Somalia dib ugu laabtay Tiro yar oo Qoxootiga Somalia ka yimid ah, inkastoo weli ay Kumannaan kale baaqi ku yihiin Xeryaha Dhadhaab ee Waqooyi-bari-Kenya oo ah kuwa ugu ballaaran caalamka oo dhan.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan Hay’adda ka shaqeysa Arrimaha Qoxootiga ee DRA oo la hadlay AFP ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeyn amarka cusub ee maanta ay soo saartay xukuumadda Kenya. Waxaana sarkaal ka tirsan uu sheegay inaysan ku lahayn wax shuqul ah xukuumadda Kenya diiwaan-gelinta Qoxootiga, taasna ay tahay mid ay iyaga oo keliya ay ku shaqo leeyihiin.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa wuxuu bishii Abriil ee Sannadkii hore ee 2015-ka, Wuxuu sheegay in Kenya aysan sii wadi karin Marti-gelinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku nool, wuxuuna xusay in xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ay saldhigyo u noqdeen kooxaha Weerarrada ka geysanaya Kenya.