GLOBAL NEWS

Xukuumada Somalia oo Ansixisay Hanaanka doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo Habka loo soo xulayo labada aqal


Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Halkan ka Aqriso qodobada Shirka ka soo baxay

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

Muddadii ka danbaysay 16kii diseembar wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaayo iyo Muqdisho.

Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa:

• Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muqdisho

• Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka

• Himilada iyo hiiigsida dadka Soomaaliyeed oo hamuun u qaba in ay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talo galay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baarlamaanka

• Kulamadii wada xaajoodka ahaa ee dhexmaray madaxda Soomaaliyeed ee heer federaal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwaayey in la helo hal hab doorasho oo wadar ogol ah.

• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka doorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

Raiisal Wasaaraha xukuumada ayaa taarikhdu marki ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay go’aanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, baarlaamaanka Soomaaliyeed iyo wakiilada beesha caalamka oo dhamantood soo dhawaayey go’aanka dowlada.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay noqonaysaa 275.

• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu qaybin doonaa habka 4.5.

• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

• Codeynta iyo tirintu waxay ka dhacayaan mid kasta caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:

• Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka isla mar baa la dhisi doonaa.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.

• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira, kuwa sameysmaya iyo kuwa mustaqbalka.

• Mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka waa inay ugu yaraan hal ka mid ah kuraasteedaa ay ku leedahay Aqalka Sare u qoondeyso dadka laga tirada badanyahay.

• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.

• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

• Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waa inay soo doortaan goleyaasha baarlamaanka mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka hadda jira iyo kuwa sameysmaya