AF-SOOMAALI

Xubno u Tartamayay Aqalka Hoose ee Puntland oo isaga baxay Hoolka ay ka socotay Doorashada


Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka billaabatay magaalada Garoowe, ayaa waxaa isaga baxay xubno ka cabanaya doorashada.

Doorashada ayaa waxaa ka baxay 64 xubnood oo ka mid ah ergooyinka gobollada Hayland iyo Sanaag ee Puntland, kuwaaso Gudiga Doorashada ku eedeyay inay Musuq-maasuq iyo isdabo maryayn ay doorashada ku wadaan.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Nabaddoonnada Beelaha Puntland ayaa cabasho ka muujnaya Hanaanka ay u socoto doorashada xildhibaanada Aqalka hoose, iyagoona Warbaahinta qaar u sheegay in doorashadu ay marin Habaabin ku sameeyen guddiga Doorashada Dadban ee Puntland.

Dhinaca Kale, Qaar ka mid ah u Tartamayaasha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa iyagana iska haray Doorashada, Sareer Abshir Muuse oo ka mid ahaa xubnihii la tartami lahaa Cali Xoosh oo ah Xubintii ugu horreysay oo so baxay Maanta ayaa tilmaantay inay Doorashada isaga hartay kaddib markii sida ay hadalka u dhigtay ay aragtay Musuqmaasuq iyo Isdaba-marinta ay ku dhawaqaqayaan Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland.

Ugu dambeyn, Billowga Doorashada Aqalka Hoose ee Qaybta Punatland oo ah – 37-kursi ayaa kusoo beegmaysa xilli xalay kooxo hubaysan Weerarro ku qaadan halka ay Garoowe ka dagan yihiin ergooyinka doorashada iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada Dadban ee Heer Federaal.