AF-SOOMAALI

Xubnaha labada Aqal ee Jubbaland oo Xaflad sagtootin ah loogu sameeyay Kismaayo


Munaasabad Sagootin ahayd ayaa loogu sameeyay Kismaayo xildihbaannada labada Aqal ee lagu soo doortay Jubbaland, Waxaana ka Qayb-galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte iyo Xildhibaannada Labada gole ee Jubbaland laga soo doortay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada Heer Dowlad-goboleed, Cabdi Cali Raage ayaa ka sheekeeyay marxaladahii ay soo martay dhismaha labada Aqal ee Jubbaland laga soo doortay; isagoo maamulka Jubbaland uga mahad-celiyay sida ay tageerada la garab-taagnay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay sidii ugu Wanaagsanayd ee hawshu u dhacday oo ay rajaynayaan in Xildhibaanadan Jubbaland laga soo doortay ay noqdaan kuwo Waddankooda Anfaca.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Xildhibaannada Munaasabada ka hadlay, ayaa ka mahad-celiyay Ammaanka la isku halayn karo ee Kismaayo ay ka heleen iyagoo maamulka ku amaanay sida ay uga go’an tahay Midnimo, Cadaalad iyo Hannaanka Maamulka suuban.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Xafladdaan ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay Mas’uuliyaddii ay qaadeen uga soo bixeen Xildhibaannada cusub, Wuxuuna sheegay in maamulka Jubbaland uu ku dadaalayo sidii Xildhibaannada deeganku u noqon lahayeen kuwo isku-xiran oo hal hadaf leh, isagoo cadeeyay in taas ay miro dhashay oo hadda ay guddi samaysteen Xildhibaannadu, kuwaas oo wixii soo wajaha ay si midnimo leh go’aan uga gaarayaan.

“Waxaan ballan-qaadayna, inaanan caawa idinkaga harin oo aan idin garab-istaagno. Kismaayo guryo aad dagtaan baan idinka siinaynaa idinkaga dhisto sidii kale Xamar madal ayaad ku yeelanaysaan,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhanka kale Madaxweynahu wuxuu uu ballan-qaaday in hada kaddib laga tashan doono in wixii jira ee masiirka dalka ku saabsan si guud looga tashado oo qaab xisbi ah lagu wajahi doono dadka deegankuna ay u dhan yihiin.

“Waxaan samayn doona sannadka 2020-ka inaan Soomaalida kula gor-gortanno oo aan kula Xisaabtano qaab xisbi asxaab ah oo aan ka baxno nidaamkan habka qabiil ku salaysan,” ayuu yiri Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada kula dar-daarmay inay laaluush iyo wax-is-daba-marin ka fogaadaan, taasoo uu xusay inay kasii dari doonto xaaladda hadda dalka ka taagan.

“Maanta go’aanku idinka ayuu gacantiinna ku jiraa, Waxaad sameyn kartaan tariikh iyo bog cusub oo aad Dhabaha saxda ah waddanka ku hagtaan, taasoo ah inaad ka dheeraatan Musuq-maasuq, waana mida dalkeenna u wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ugu dambeyn, Waxaa isagana goobta ka hadlay RW ku xigeenka XF Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee dalka, isagoo xusay in uu ku faraxsan yahay kasoo qayn-galka Munaasabaddan uuna arko dowlad iyo dadkeeda oo wadajira gacmahana is-haysta, wuxuuna xusay in Kismaayo ay tahay meel wax wanaagsan laga baran karo.

Gaba-gabadii Arrimaha Midnimada ayuu xusay inay tahay mid Dalka oo dhan muhiim u ah, taasoo ay tahay in si guud loo wada-raadiyo. Waxaana intii at xafladdu socotay heeso kusoo bandhigay qaar ka mida h fannaaniinta iyo barbaarta gaashaaman, iyadoo xildhibaannadana shahaadooyin goobta lagu guddoonsiiyay.