AF-SOOMAALI

Xoogagga Al-shabaab oo isaga baxay degmada Ceelwaaq kaddib saacado kooban oo ay gacanta ku hayeen


Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay isaga baxeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kaddib weerar xalay ay ku qaadeen degmada.

Saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ciidammadooda gacanta ku hayaan degmada.

Col Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidammada DF ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq, balse markiiba ay isaga baxeen, waxaana uu intaa ku darray in is rasaaseyn aan badneyn ay dhaxmartay xoogagga magaalada gudaha u gallay iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan degmada Ceel Waaq ciidamada dowladda, xaaladana ay tahay mid degan.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin meel dibada ka ah Ceel Waaq, waxaana jirta cabsi laga qabo in weerar ku soo qaadaan.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka dhaxmaray labada dhinac, waxaana ay dadka deegaanka sheegeen in la maqlayay rasaas aad u culus.