GLOBAL NEWS

Xoghayihii Hore ee QM Boutros-Ghali oo Maanta ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka MASAR


Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, sida uu sheegay Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Boutros-Ghali oo 93-jir ahaa ayaa waxaa tan iyo Toddobaadkii hore uu ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira halkaasoo loo daweynayay xanuun lasoo darsay.

Sidoo kale, Boutros-Ghali ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Afrika ka socday ee Qabta Jagada Xoghayaha Guud ee QM, isagoo xilka QM qabtay Sannadkii 1992-kii, isagoo Xilka hayay illaa sanadkii 1996-kii, kaddib markii Xukuumadda Mareykanka hor-joogsaday inuu mar kale isku soo taago xilka.

Xukuumadda Masar ayaa si rasmi ah u sheegtay in Boutros-Ghali uu Taladaada Maanta ah ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira, iyadoo Wargeyska Al-Ahram ee ka soo baxa Qaahira uu sheegay inuu miskaha ka jabay.

Muddadii uu ahaa Boutros-Ghali Xoghayaha Guud ee QM ayaa waxaa calaamka ka dhacay is-bedello badan iyo dhibaatooyin murugo ku reebay Calaamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Bur-burkii ku dhacay Midowgii Sofiyeeti oo soo Af-jartay Dagaalkii Qaboobaa ee Dunida, isla markaana ay awooddu kusoo hartay ururka NATO oo uu hoggaaminayo Mareykanka.

Intii uu xilka hayay Boutros-Ghali ayaa waxaa sidoo kale dhacay xasuuqii dalka Serbia ka dhacay ee lagu dilay in ka badan 8,000 qof oo Muslimiin ahaa, Xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in Serbia ay ka jirto nabad, taasoo QM ay kala kulantay Waji-gabax.

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusan karo xilligii uu Xoghayaha Guud ee QM ahaa Boutros Boutros-Ghali ayaa waxaa ka mid ah; Xasuuqii ka dhacay Rwanda oo muddo 100-casho oo keliya lagu dilay in ka badan Hal Milyan oo ruux 1994-kii.

Ugu dambeyn, Boutros-Ghali oo ay u dhaxday haweeney kasoo jeedda Yuhuuda Masar oo lagu magacaabo Lea, ayaan wax Carruur ah isku dhalin, isagoo kasoo jeeday Masiixiyiinta tirada yar ee Waddanka Masar ayaa ka dhashay Qoys Siyaasadda muddo Fog ku soo jiray, Wuxuuna ahaa Mas’uulkii ugu horreeyay oo Masari ah oo qabta Xilka ugu Sarreeya QM.