GLOBAL NEWS

XOG “Maxay tahay Lacagta loo qaybiyey Baarlamaanka Jubbaland +Axmed Madoobe oo War Cusub u Sheegay Xubnahan


Magaalada Kismaayo waxaa maalintii shalay Xubnahan Baarlamaanka lagu shiriyey Xarunta Madaxtooyad Kismaayo, oo ah halkii lagu magacaabay,laguna dhaariyey,wuxuuna ahaa kulan uu si gaar ah, Axmed Madoobe ugu casuunaayeen Xubnahan ,iyadoo saacado hadal dheer kadib ah tirokoob lagu sameeyey Xubnahan Goobtaas Fadhiya ay noqodeen ilaa 50 Xubnooda.
Axmed Madoobe ayaa isagoo doonaya in uu u sheego qorshah Shirka wax uu yidhi “Sidii aan idiin dhisnay oo raga Badan oo goobta fadhiya aan Xildhibaanimadooda ugu dadaalay,iyadoo dad ka aqoon badan ama ka dagaal badan ay Beeluhu wateen maynaan isugu imanin Wax iswaydiin,waxaase idin waydiinayaan Maanta hadii aan wax idin waydiisto ka warama”ayuu Xubnahan Hortooda ka yidhi Axmed Madoobe,ilaa qaar badan oo kamid ah ay modaan in qorshihii Doorashada Axmed Madoobe uu sheegi jirey ee raga badan uu Xilhibaano ku sheegay uu u qoray uu maanta taagan yahay.
Sida aan Xogta ku helay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe ayaa xubnahan siiyey lacag gaadhaysa 50,000 “Kontan kun oo Doller”taas shaqsi walba uu helay ilaa 1000 Doller,wuxuuna intaas u raaciyey in lacagtaasi ay qayb ka tahay hawlaha Baarlamaanka Dowladda Goboleedka Jubbaland ka dhiman isla markaan la doonayo in laga dhamaystiro qabyadaas uu mudada dheer ku jirtay.
Shirkaas kadib Axmed Madoobe oo la hadalayey Koox Taageerayaashiisa ah oo ka xumaa in dhaqaalo intaad dhan uu ku bixiyo Wax aan gacanta lagu haynin ayaa siiyey taladooda ku aadan arinta ,Waxayn u raaciyeen Walaac ay qabaan.