GLOBAL NEWS

Xisbi Siyaasadeed ku soo Bandhigay Minnesota Musharraxooda Doorashada Somalia


Xisbiga Siyaasadeed ee GURMAD, ayaa xalay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku daah-furay ololaha ka Qayb-galka Doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo Daba-yaaqada Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka.

Dr. C/naasir Maxamed oo ka mid ah Xubnihii Aasaasay Xisbiga Gurmad, Isla markaana ah Dhakhtar Soomaliyeed iyo ganacsade muddo fogna ku noolaa gobolka North Caroline ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharrax u Taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Anigoo tix-gelinaya Rajada ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed, kuna Tartamaya Magaca Xisbiga Gurmad, Waxaan idiin caddeynayaa inaan ahay Musharrax Hoggaanka Somalia,” ayuu yiri Dr. C/naasir.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Gurmad inay soo gasho Siyaasadda Dalka, waxaa ku kallifay markii ay aragtay Dhibaatooyin badan oo dalka ka jira, Gaar ahaan habacsanida Dowladdanimo, Amni-darrada, Caddaalad-darrada, Saboolnimada, Shaqo la’aanta iyo Qul-qulka Tahriibka.”

Sidoo kale, Wuxuu sheegay Dr. C/naasir in isaga iyo xubnaha kale ee xisbiga Gurmad ay u cuntami weysay xaalada dalka, ayna go’aansadeen inay ka qeyb galaan tartanka Siyaasada.

“Innagu waxaan haysannaa nolol nagu filan, laakiin waxaa noo cuntami waayay Xaaladda dalkeenna, Waxaan maanta mareynaa heer ay Dowladaha Shishiyee Tusaaleyaal xun nagu soo qaataan, arag hadalkii uu yiri RW Hindiya, taasi nama qabato ee waa inaan iska rognaa heeryada, sidii SYL ay isaga tureen heeryadii gumeysiga, Xisbi ahaan waxaan ka naxeynaa dalka iyo dadka” ayuu sharraxay Dr. C/naasir.

Dr. C/naasir ayaa xusay inuu sameyn doono dib u Heshiisiin dhab ah, haddii uu Hoggaanka Dalka ku Guuleysto. “Waxaan tagi doonaa tuulo, magaalo, degmo iyo gobol kasta, waxaan hor fariisan doonaa Dadka Soomaaliyeed oo idil, Waxaana ka shaqeyn doonaan in dadku is cafiyaan oo heshiiyaan, ayna is oggolaadaan”

Jibriil Maxamed oo ka mid ah Aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad, ahna macallin Jaamacadda Ohio State University ka tirsan oo sharraxayay aragtida iyo hiigsiga Gurmad ayaa isna yiri. “Markii aan aragnay in talada dalka aanan gacan ku heyn oo dad kale ay u tahay mashruuc, markii aan aragnay madax u nugul qabyaaladda, shisheeyaha iyo musuq-maasuqa ayaan go’aansannay inaan shirar, kulamo iyo cilmi baaris xaaladda dalka lagu ogaanayo aan ku qabanno dhowr magaalo, inagoo is tusnay muhiimadda aragtida xisbiga Gurmad ee ku saleysan waddaniyadda, midnimo qaran, sharci iyo kala dambeyn, dimoqraadiyad iyo rabitaanka shacabka, waxaana dhammaateen diyaar u nahay inaan dalkeenna u gurmanno nolol kasta oo aan ku nool-nahay.”

“Taariikh badan oo khaldan ayay Somalia soo martay, balse, Gurmad waxay diyaar u tahay inay soo Af-jarto oo ay halgan u gasho sidii Qaranimada Somalia loo soo celin lahaa” ayay tiri Khadra Maxamed oo ka tirsan Gurmad.

Cadar Kaahin oo ka tirsan Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ayaa tiri “Ficil iyo in lala Xisaabtamo Mas’uuliyiinta ayaa loo baahan yahay, Waana in la soo celiyaa ehel-nimadii iyo walaaltinimadii”

Ugu dambeyn, Xisbiga Gurmad ayaa bilihii u dambeeyay wuxuu Talooyin iyo Aragtiyo ka bixinayay Xaaladda Somalia, waxaana la filayaa in ka Qayb-galkooda doorashada uu xiiso, fikrado iyo tartan siyaasadeed ku soo hordhiyo saaxadda siyaasadda dalka.