AF-SOOMAALI

Xiliga la dooranayo guddoonka aqalka sare oo lagu dhawaaq


Waxaa goor dhaw lagu dhawaaqay gudiga qaban-qaabada doorashada xubnaha aqalka sare oo ka kooban 6 xubnood, kuwaa oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka aqalka sare.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa loo magacaabay Senator Prof Max’ed Cismaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay maamul gobolleedka Hirshabeellee, halka xog-hayaha gudiga doorashada uu noqonayo Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Puntland.

Hadaba Akhriso magacyada gudiga oo dhameystiran :

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hir Shabeelle.

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo la soo doorty maamulka Galmudug.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo laga soo doortay maamulka Puntland.

4.Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali oo laga soo doortay maamulka Somaliland.

6. Senator Xuseen Sheekh Max’uud oo laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed.

Gudiga ayaa sheegay in 22 bishan oo ku beegan maalinta Axad ah todobadka danbe la dooran doono guddoonka aqalka sare.

Magacaabista gudigan ayaa imaneysa kadib markii maalintii shalay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ka dalbaday xubnaha aqalka sare in ay dadajiyaan doorashada guddoonkooda sare si loo guda-galo doorashada madaxweynaha oo wada jir ay u dooran doonaan xildhibaannada labada aqal.