AF-SOOMAALI

Xildhibaano diiday in ay ka qeyb-galaan kullan casha sharaf ah oo uu sameeyay Ra’iisal wasaaraha


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga mahad noqay ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

Waxaa jira warar sheegaya, in kullanka ay ka maqnaayeen xildhibaano ka mid ah kuwii shalay ka soo horjeestay ansixinta Gollaha wasiiradda.

Kullankii cashada ee xalay, waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Mudane Xasan, ayaa sheegay in Xildhibaanadda iyo Xukuumadda ay ka wada shaqeyn doonaan, samatabixinta umadda Soomaaliyeed.

“Waad ku mahadsantihiin ansixinta gollaha wasiiradda iyo Barnaamijkeeda, waxaan wada yeelan doonaa wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisal Wasaraha.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Kullankii Baarlamaanka ee shalay waxaa uu ka dhacay xarunta golaha Shacabka, waxaana xaadirtay 241 xildhilbaan, iyadoona uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiwali Sheekh Muudeey.

Sida codka loo dhiibtay:

1- Waxaa wasiradda cusub aqbalay: 224 Xildhibaan

2- Waxaa diiday: 15 Xildhibaan

3- Waxaa ka aamusay : 2 Xildhibaan