AF-SOOMAALI

Xildhibaannadii ugu horeeyay oo la dhaariyay iyo munaasabada oo wali socta


Waxaa si habsmi leh ilaa iyo hadda uga socta xarunta Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio, dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka cusub, waxaana goobta inta badan ku sugan mudanayaashii laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka.

Guddoomiyaha maxkamada sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay xildhibaannadii ugu horeeyay, waxaana wali socta dhaarta, iyadoo koox koox loogu yeerayo xildhibaannada oo ka kooban labada aqal ee dalka.

Waxaa xarunta jooga guddoomiyaha baarlamaankii hore Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo laftirkiisa ka mid ah xildhibaannada cusub ee dib loo soo doortay, hasse ahaatee waxaa uu si dhaw ula socdaan munaasabada dhaarta.

Xildhibaannada ilaa iyo hadda la dhaariyay waxaa ka mid ah ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo wasiiro ka tirsan xukuumada.