AF-SOOMAALI

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulankoodii labaad


Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 10aad Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeellanaya kulankoodii labaad ee kalfadhigii koowaad, waxaana lagu wadaa in ay dood ka yeeshan xiliga kama danbeystaha ah ee la qabanayo doorashada gudoonka baarlaamaanka Soomaaliya.

Waxaa siweyn loo adkeeyay ammniga xarunta golaha shacabka oo saacadaha soo socda lagu wado in uu ka furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka oo ay hor yaalaan howl oo culus oo u baahan in go’aamo laga soo saaro.

Beesha caalamka ayaa dhawaan ugu baaqday baarlamaanka in uu dadajiyo geedi socodka doorashada oo marar badan oo hore dib u dhac ku yimid, gaar ahaan doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo tan madaxweynaha.

Wixii warar ah ka soo kordha kulanka baarlamanka waan idin soo gudbin doonnaa…