AF-SOOMAALI

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo


Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada labada aqal ee dhawaan laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka.

Waxaa magaalada Muqdisho siweyn looga dareemayaan qaban-qaabada munaasabada dhaarta xildhibaannada, waxaana guddiga baarlamaanka uu ku howlanaa diyaarinta munaasabadan iyo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in maanta la dhaariyo ilaa 300 Xildhibaan oo isugu jira labada abqal ee baarlamaanka.

Waxaa siweyn loo adkeeyay ammniga goobta lagu qabanayo munaasabada dhaarta oo ah Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio.

Fadhiga koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu dooranayaa guddoomiye KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale waxaa la magacaabi doona guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kuwaasoo iclaamin doona xilliga ay dhaceyso doorashada.

Ugu danbeyntii, marka la soo doortay gudoomiyaha ku meel gaarka ah waxaa uu baarlamaanku guda-gali doonaa qaban-qaabada doorashada guddoonka rasmiga ee baarlamaanka oo ilaa iyo hadda aan waqti loo qaban.